Hawlaha Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed oo Xowli Ku Socda

Waxaa dib loo unkay Jaamacadii Umadda Soomaaliyeed oo la burburtay dawladdii Dhexe ee Soomaaliya 27kii Luuliyo, 2014. Haatan lix kulliyadood oo dib loo furay ayaa waxaa lacag la’aan wax uga barta 370 arday oo ah kuwii ugu horreeyay ee nasiib u hela inay galaan kulliyadaha kala geddisan ee Jaamacadda muddi rubuc qarni ku dhaw.

Wariye ka tirsan Wargeyska Xaqiiqa oo booqday Xarunta Jaamacadda ee Shabelle ayaa soo arkay dhismayaal qurux badan, arday casharro qaadanaysa iyo dhaqdhaqaaq waxbarasho oo aad loogu farxo.

Jaamacadaha tirada badan ee ku yaalla magaalada Muqdisho, Jaamacadda Umadda waa tan kaliya ee bixisa badan deeg waxbarasho oo bilaash ah.

Gudoomiyaha Jaamacadda Umadda Dr. Maxamed Axmed Jimcaale oo ka warramaya dadaalkii loo soo maray dib usoo nooleynta iyo hawlgelinta Jaamacadda ayaa sheegay in Gudigga Jaamacadda oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Gudoomiye u yahay in ay go’aansadeen shirar badan in Jaamacadda dib loo hawlgaliyo.

“Markii hawshaa Jaamacadda la isla meel dhigay, ayaa la isla jaangooyay inta kulliyadood ee la furayo, luqadda rasmiga ah ee wax lagu baranayo iyo inaan ardayda wax lacag ah laga qaadin. Waxaa sidoo kale la isla meel dhigay in 6 kulliyadood oo nolosha Soomaalida aasaasi u ah, baaahi badanna loo qabo, dib loo hawlgeliyo.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Jaamacadda.

Kulliyadaha haatan shaqeeya ayaa kala ah Kulliyadda Caafimaadka, Waxbarashada, Beeraha, Xannaanada Xoolaha, Dhaqaalaha iyo Sharciga. Dr. Jimcaale ayaa cadeeyay in lagu talo jiro kordhinta kulliyadaha Jaamacadda marka kuwa hadda jira dhidibada loo adkeeyo iyaga oo ku saleynayo kuwa cusub baahida dadka iyo dalku u qabo.

Dr Jimcaale waxa uu yididiilo iyo farxad ka muujiyay sida hawlaha Jaamacadda ku socdaan, gaar ahaan ardeyda loo qaatay kulliyadaha kala geddisan oo lagu xulay kadib imtixaan si cadaalad ah looga qaaday ardeydii soo codsatay. Imtixaankaas kadib ayaa ardayda loo siiyay koorso lix bilood ah oo loogu diyaarinayay in ay galaan waxbarashada Jaamacadeed isaga oo xusay intii lixda bilood ka gudubtay ay 2dii bisha Maajo bilaabeen duruustooda jaamacadeed.

Mar la waydiiyay luqada wax lagu baro ardeyda ayaa waxa uu sheegay in la go’aamiyay sababo jiro oo badan awgeed in luqadda English-ka ay noqoto luqadda kulliyadaha haatan furan maadaama aan la heli Karin manhaj iyo buugaag af Soomaali ah oo dabooli kara baahida kulliyadaha Jaamacadda.

Waxa uu intaa raaciyay Diktoorka in horey luqadaha Carabiga, Talyaaniga, English-ka iyo Soomaaliga lagu baran jiray kulliyadihii kala duwanaa ee Jaamacadda Umadda. Wuxuu tusaale usoo qaatay in kulliyadda Culuumta Siyaasadda gebi ahaanba luqadda Soomaaliga ah lagu dhigi jiray.

Waxa uu hoosta ka xarriiqay diktoorku in ay haatan xoogga saarayaan soo celinta hantidii iyo xarumhii Jaamacadda, oo marka laga reebo Xarunta Shabelle , ay intii kale gacanta jaamacadda ka maqanyihiin.

“Marka aan xaqiijinno soo celinta 6da xarumood ee ka maqan gacanteenna, tallaabada xigta waa inaan dhisnaa. Dawladda Shiinaha ayaa noo ballan qaaday inay noo dhiseyso kulliyadaha Saxaafadda iyo Siyaasadda. Halka dalal Carbeedna ay noo socdaan wada xaajood la doonayo in dib loogu dhiso xaruntii Kulliyadii Caafimaadka oo u dhaw Isbitaalka Digfeer.” Ayuu yiri Dr. Jimcaale.

Gudoomiyaha Jaamacadda ayaa intaa ku daray in ay wadaan dadaallo lagu soo celinaayo xiriirradii ay jaamacaddu la lahayd Jaamacadaha dibadda isaga oo ku raja weyn in ay abuuraan xiriirro cusub oo ay la yeeshaan jaamacado cusub.

Waxa uu hadalkiisa ku gabagabeeyay in ay Jaamacaddu taageero buuxda ka heysato Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo uu sheegay inay hiil iyo hooba la garab taaganyihiin ka mira dhalinta hawlaha Jaamacadd.

Leave a Reply

Your email address will not be published.