Fursad shaqo jaamacadda ummadda soomaaliyeed

Jaamicadda Umadda Somalia (SNU)

 OGEEYSIIS

 FURSAD SHAQO BANNAAN

I. Macluumaad  Guud

Shaqada Sarkaal horumarinta Manaahijta
Taariikhda la soo bandhigay 27/03/2017
Goobta Shaqada Xarunta  jaamicadda  – Muqdisho
Muddada Shaqada/Tababbarka  6 Bilood
Taariikhda codsi qabashada ay ku egtahay 15/5/2017

2. Faahfaahin Guud

Waxaa loo soo bandhigayaa dadka iskaa wax u qabsashada ugu diiwaan gashan Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare, mushaharna aan qaadan, fursad Tababbar Shaqo oo lix bilood soconaysa. Waxaa sarkaalka ku guuleysta shaqadaan uu la shaqayn doonaa isagoo tababbar ku-jira muddo lix bilood ahna la taliyaha horumarinta Manaahiijta gaar ahaan ee Jaamicadda umadda, gaarahaan Kullijada caafimaadka.

Muddada Tababbarka shaqo ay socota waxaa sarkaalka la siin doona lacag gunno ah oo aan badneyn, ayna bixin doonto Hay’dda International Organization of Migration (IOM).

Habka qaadashada shaqada wuxuu noqon doona mid daahfuran oo ku saleysan imtixaan qoraal ah iyo wareeysi guud (Interview)

3. Shuruudaha guud ee looga baahan yahay qofka shaqadan soo codsanaya:-

  • Waa inuu yahay qof shaqadiis isu xil-qaami karo isagoon loo sheegin.
  • Waa inuu keligiis shaqeyn karaa marka culeys dheerad ah uu jiro.
  • Waa in uu si joogta ah uga qayb galo tababbarrada iyo siminaarada.
  • Waa in uu ka saacido Khabiirka u tababbaraya horumarinta Manaahijta.
  • Waa in uu ka saacido Khabiirka tababaraya qoraalada warbixineed ee  wax-qabadka ku saabsan Manaahijta.
  • Waa in uu ka saacido khabiirka Manhajka caafimadeed ee kulliyadda caafimaadka,si loo horumariyo(upgrade)koorsooyinka lagu kordhinaayo iyo kuwa laga saaraayo Manhajka.
  • Waa inuu awood u leeyahay in si habsami ah uu ula shaqeyn karo dhammaan qaybaha kala duwan ee Jaamicadda.
  • Waa inuu yaqaan sida warbixinada loogu qoro afafka Soomaaliga iyo Ingriisiga.
  • Waa inuu yaqaan sida loogu shaqeeyo kombuutarka barnaamijyadiisa kala duwan, sida: MS Word, Excel/Spreadsheet,PowerPoint & Outlook/emails.
  • Waa inuu diyaar u yahay barashada horumarinta Manaahijta, si uu u noqdo Sarkaal Manaahijeed.
  • Waa in uu kala qayb qaataa Khabiirka diyaarinta casharada tababarada macallimiinta iyo shaqaqaalaha xafiisyada.
  • Waa inuu wax ka fahmaayo nidaamyada Manaahijta caalamka ee Jaamicaddaha qeyaha caafimaadka.

4. Khibradda iyo Aqoonta

Heeerka Waxbarasho: Shahaado Jaamacdeed MBBS(Bachelor degree in Medicine& surgery) University degree)
Nooca Shahaadadda: Horumarinta Manaahijta
Khibrad Shaqo 0-1 sano oo waafaqsan takhasuska kor ku xusan ama waayo aragnimo la xiriirta.
Luqadaha: Aqoon fiican oo qoraal iyo ku hadal ah luqadaha Ingriiska Somaaliga iyo Ingiriiska
Xirfad Gaar ahaaneed: Kombuutarka (Word, Excel, PowerPoint, Outlook)Sida dad kala duwan loola shaqeeyo oo ixtiraam iyo dulqaad ku dheehantahey.

Inuu yahey qof dhega nugul, jecelna waxbarashada, ilaaliyana waqtiqa shaqada.

Waxaa si gaar ah loo dhiiri gelinayaa  dumarka  in ay soo dalbadaan shaqadan.

 

5. FIIRO GAAR AH

  • Qofkii shaqadan ku guuleeysta waxaa la ogeysiinayaa in marka uu dhammeysto muddadaa tababarka lixda bilood ah, in rasmi ahaan u shaqaaleeyn doonto. Jaamicadda umadda
  • In muddadaa lixda bilood uusan/aysan  Wasaaradaa ku leheen wax xuquuq ah nooc kastaba ha ahaadeene.
  • In Hay’adda IOM ay siin doonto gunno yar keliya oo wax xuquuq kale aanay ku laheen.

6. SIDA LOO SOO DALBADO SHAQADAN

Codsigaaga iyo  CV -gaaga waxaad u soo kala direeysa:1. Ahmed Mohamud< moahmed@iom.int.

2. Prof. Abdulaahi Sheikh Rashiid rector.admin.finance@snu.adu.so

3. Dr. Ali Jimale Mohamed deputymedicine@snu.edu.so 0618800200.

4.DR. Mulki Elmi Mölsä, technical adviser. mulkielmi60@gmail.com/mulkielmi@snu.edu.so

  • Keliya waxaa lala soo xiriirayaa dadka codsiyadooda la soo xulo.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.