Qabashada Sanad Dugsiyeedka 2018-2019 oo Bilaabatay

Qabashada Sanad Dugsiyeedka 2018-2019 oo Bilaabatay

Qabasho arday cusub
Qabasho arday cusub

Dhamaan ardayda soomaaliyeed waxaa la ogeysiinayaa in ay qabashada araajida codsiga ka qeybgalka imtixaanka galitaank Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee sanad tacliimeedka 2018–2019 la bilaabay kuna egyahay taariikh 9/8/2018

Shuruudaha ardayga laga rabo

  1. Shahaado dugsi sare oo asal ah iyo sawirkeeda
  2. Warqada dhalashada oo ay ku cadahay maalinta, bisha iyo sanadka
  3. Sawir nooca teesaraha ah (4 xabo) daaha dambe uu cadyahay.
  4. Gal (file) bir leh.

Kulliyadaha jaamacadda waa:

  1. Kull: Caafimaadka
  2. Kull: Beeraha
  3. Kull: Dhaqaalaha
  4. Kull: Xanaanada Xoolaha
  5. Kull: Sharciga
  6. Kull: Waxbarashada
  7. Kull: Injineeriyadda
  8. Kull: Daraasaadka Islaamka
  9. Kull: Saxaafada

 

Wixii faahfaahin dheeraad ah kalasoo xariir 0617494201