Beenin ku Been Abuurasho Magaca Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Mogadishu (04.09.2020):- Waxaan ummada Soomaliyeed la wadaageynaa inay been abuur tahay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo dad dano gooniya ka leh ay ku sheegeen in Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeega Bulshada, Dr. Fawisiya Abikar ay arday kullyadda Caafimaadka ka hor istaagtay iney layli (practicum) ku sameeyaan cisbitaalada dawladd ay wasaaraddaasi maamusho.
Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS), waxay ummadda Soomaliyeed u caddeyneysaa in Dr. Fawsiya ay JUS la leedahay xiriir aad u qotadheer oo marna aysan suuragal ahayn in xirirkoodu xumaado arrimaha soo socda aawigeed:

1) Dr. Fawsiya Abikar oo ah Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeega Bulshada waxay ka mid tahay ka qalin jebiyeyaasha JUS oo ay Jaamacaddu ku faanto
2) Waxay ka mid ahayd barakaaliyeyaashii JUS loo qaatay ka dib markii ay qalin jebisay iyadoo ku muteysatay iney ahayd qalin jebiyeyaashii dufcaddeeda ee kulliyadda sharciga ugu dhibcaha (CGPA) badnaa sidaas ayaana muddo ka dib takhasus loogu diray dalka Talyaaniga oo ay tacliinteeda sare ku soo qaadatay
3) Sharci ahaan Dr. Fawsiya waxay ka mid tahay Guddiga Sare ee maamula JUS oo madaxweynaha Jamhuuriyaddu guddoomiye u yahay

Intaasoo dhan waxay muujinayaan inaa xiriirka Dr. Fawsiya iyo JUS uusan marnaba xumaan karin arrinkaasna waxaa taas markhaati ka ah barnaamijyada sanadkaan ay labada hay’adood iska kaashadeen oo ay si wada jir ah ummadda soomaaliyeed ugu gargaareen oo ay ka mid tahay:
1) Jaamacadda iyo wasaaraddu waxay si hufnaan iyo wada jir ah ugua shaqeeyen xaruunta wicitaanka COVID-19 (COVID-19 call center)
2) Waxay wada abaabuleen barnaamij aqoon kororsi ah oo “fogaan cashar bixin (Distance learning) kaa oo dhakhaatiir Jaamacadaha Talyaaniga ka socda ay tababar ku saabsan la tacaalidda COVID-19 lagu siiyey dhaqkhaatiirta Soomaaliyeed
3) Hadda waxay gacanta ku wada hayaan barnaamij aqoon fidin iyo cilmi baaris la xiriirta cudurada dhimirka ee dhalliyarada.
4) Dufcadii koobaad ee kulliyadda cafimaadka JUS waxay hadda tababar caafimad (Internship) ku sameynayaan cisbitaalada ay maamushowasaaraddu sida Benadir, Martiini iyo kuwo kale oo wasaaraddu ku dhiirigelsay iney ka qaybqaataan tababaridda ardayda JUS waxaana kuwaas ka mid ah cisbitaalka Erdogan (Ex-Digfer).

Intaas oo dhan waxay markhaati cad u yihiin in xiriirka wadashaqayneed ee wasaaradda Caafimaadka oo Dr. Fawsiya ay hogaamiso iyo JUS uu aad iyo aad u fiican yahay. Qofkii doonayo inuu dano uu isagu leeyahay ka dhex raadiyo arrinkaasna waxaan leenahay imaanka Allaha gelsho.

Ugu danbayntii Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) waxay caddeyneysaa in wararka lagu faafiyay baraha bulshada ay ka dambeeyeen dad dano gooniya ka lahaa waxayna ku been abuurteen magaca Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Dadkaasi haddii aysan ficilada noocaas ah aysan ka waantoobin, JUS waxay xaq u leedahay iney sharciga la tiigsato.

->-Dhamaaad-<-

XAFIISKA WARBAAHINTA IYO XEIIRRKA
Somali National University SNU
Columbia Rd, Hamar Weyne
Mogadishu, P.O Box 15, Somalia
Email: media@snu.edu.so
www.snu.edu.so

Leave a Reply

%d bloggers like this: