Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxay qabanaysaa munaasabadda qalin-jebinta ardayda Machadka Sare ee Dacwada iyo Daraasaadka Islaamka, kuwaas oo ka qalin-jebinaya takhasusyada sare ee Mastarka Dacwada iyo Mastarka Qada’a.
Munaasabaddan ayaa lagu maamuusi doonaa dadaalka iyo guulaha ay ardaydu gaareen intii ay ku jireen waxbarashadooda heerka mastarka, iyadoo ay ka soo qayb geli doonaan masuuliyiin, macallimiin, waalidiin, marti sharaf iyo bahda Jaamacadda.
Faahfaahinta Munaasabadda
Taariikhda: Khamiis, 25 Juun 2026
Waqtiga: 4:00 Galabnimo (16:00)
Goobta: Masraxa Shariif Saalax, Xarunta KM4
