Kulliyadda Takhasuska iyo Cilmibaarista ee Jaamacadda Ummadda Somaliyeed (JUS) waxa ay qaadaneysaa dufcadii 2aad ee Barnaamijka Takhasuska heerka 2aad ee waxbarashada (Master Degree in Education), Mudada waxbarashada heerka 2aad waa labo sano (24 bilood).
Jaamacadu waxay bixineysaa Takhasuska hoos ku xusan:
Shahaadada Masterate ee Takhasuska Maamulka iyo Hogaaminta Waxbarashada (Master of Education in Educational Leadership and Management).
Shuruudaha laga rabo ardayga soo codsanaya Takhasuska heerka 2aad ee waxbarashada waa:
- Inuu keeno shahaadada heerka 1aad (Waxbarashada) asal iyo nuqul lasoo tasdiiqay ama Shahaadada dibloomaha sare ee waxbarashada oo ay bixisay Jaamacad la aqoonsan yahay;
- Warqada dhalashada ama baasaboor
- Labo sawir midabeysan nooca teesaraha dhabarkiisuna cadyahay
- Inuu keeno arji uu ku codsanayo ka qeybgalka barnaamijkaas.
Muddada qabashada araajidu waxay ku egtahay 15 Aug 2023.
Arjigaaga waxaad kusoo hagaajisaa xafiiska diiwaan galinta ee kulliyadda Takhasuska iyo Cilmibaarista JUS, Xarunta Xamarweyne.
Wixii faahfaahin ah fadlan kala xariir xafiiska Kulliyadda Waxbarashada ee JUS Xarunta Xamarweyne.
Email: edupg@snu.edu.so, gsr@snu.edu.so