Ogaysiis Qaadashada Dufcadda13aad Diplomaha Sare ee Qaanuunka

Ogaysiis Qaadashada Dufcadda13aad Diplomaha Sare ee Qaanuunka

Kulliyadda Takhasuska iyo Cilmibaarista ee Jaamacadda Ummadda Somaaliyeed waxay qaadanaysaa dufcaddii 13aad ee Diplomaha sare ee Qaanuunka (Post Graduate Diploma in Law)

Shuruudaha Laga rabo qofka soo codsanayo waa:

1. In uu heysto shahaado Bachelor ee maadooyinka sida Sharciga ama Artska la xiriira.

2. Qofkii heysto shahaado cilmi ah (Bachelor of Science) waa inuu keenaa caddeyn ku saabsan inuu baahi gaar ah u qaba barashada qaanuunka.

3. Copy- shahaadada Bachelor oo laga soo tasdiiqiyay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

4. Afar sawir oo la cabir ah baasaboorka.

5. Codsi qeexaya sababta aad usoo codsatay Diplom-ka sare ee Qaanuunka (letter of intent).

 

FG: Qabashada araajida waxa ay ku egtahay 25 jULY 2024 . Arjigaaga waxaad kusoo hagaajisaa xafiiska daraasaadka sare ee qaanuunka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed , qeybta Shabelle Xamar-weyne.

Wixii faahfaahin ah fadlan nagala soo xariir Email: lawgraduateschool@snu.edu.so

Wabillaahi Towfiiq

 

Tags :
Facebook
Twitter
LinkedIn
Pinterest