Waxaan lagu wargelinaynaa dhammaan ardayda doonaysa inay iska diiwaan geliyaan barnaamijka Ingiriisiga degdegga ah (Intensive English Program) ee kulliyadda Luuqadaha, Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, in is diiwaangelinta ardayda cusub uu furmi doono 07 December 2023 ku eg 10 ka Janaayo 2024.
Shuruudaha ardayga is diiwaangalinayo :
1. File ama (gal) bir leh.
2. 2 sawir oo kuwa baasaboor-ka ah.
3. Kaarka aqoonsiga qaranka, Warqadda dhalashada, baasaboor ama wax u dhigma.
4. Boono caddeyneysa bixinta Lacagta diiwaan galinta oo ah $25 doollar.
Lacagta waxaa lagu bixinayaa Akoonka (030300085006) Premier Bank
Diiwaan gelintu waxey ka socotaa xafiis-ka Kulliyadda Luqadaha ee Jaamacadda Ummadda
Qaybteeda km4 .