Muqdisho, Soomaaliya – Oktoobar 21, 2023 : Munaasabad uu xilka kula wareegayay sii hayaha Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS), Prof. Xasan Cusmaan Gacal, ayaa maanta lagu qabtay xarunta km4 (Xarunta Sayniska iyo Tiknoolajiyadda). Munaasabada ayaa waxaa goob joog ka ahaa Raktaraadii hore ee JUS, Dr. Hassan Omar Mahadallah iyo Prof. Maxmed Axmed Jimcale, Wasiir ku xigeenka wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare, Garyaqanka Guud, Aqoonyahano, agaasimayaal, hormuudyo, shaqaalaha Jaamacadda, iyo mas’uuliyiin martisharaf kale.
Prof. Xasan Cusmaan Gacal Raktar Cusub ee Jaamacadda Ummadda oo munaasabadda ka hadlay ayaa balan qaaday in uu ka shaqayn doono horumarinta iyo tayada waxbarashada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
“Waxan balan qadayaa in aan ku hoggaamin doono JUS ujeedoyin keeda dhow iyo kuwa fogba, aniga oo kaashandoona talada iyo waya aragnimadda madaxdii iga horeesay iyo kuwa ila shaqayn doona intaba. Waxaan xoogga saari doonaa ka shaqeynta iyo tayenta qeybaha Tacliinta iyo Maamulka Jaamacadda, si aan qeybaha sare ugu soo galno halbeegyada qiimeynta Jamacadaha Adduunka. Waxaan ku dadaali doonaa sare u qaadidda xirfadda shaqaalaha iyagoo heli doono Tababaro la xiriira shaqadooda. Waxaan rajeynayaa in aan hormariyo kaabayaasha iyo agabka kale ee muhiimka u ah tayada wax baridda ardayda”ayuu yiri Prof. Gacal .
Raktarkii hore ee JUS, Dr. Xasan Cumar Mahadallah ayaa sheegay in Prof. Gacal uu si qoto dheer u fahansan hadafka iyo qiyamka jaamacadda, iyo xaalada ay Jaamacadda ku shaqaysio, uuna ku kalsoonyahay in uu Jaamacadda u horseedi karo waa cusub. Dr. Mahadallah ayaa sidoo kale ugu baaqay bahda Jaamacadda inay ku garab istaagaan raktarka.
Munaasabadda xil wareejinta ayaa lagu xusayay taariikhda hodanka ah ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo mustaqbal ifaya ee ay higsanayso.
s