Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ah hay’ad dowliya, lehna shakhsiyad qaanuuneed iyo madaxbanaani maamul, maaliyadeed iyo farsamo ,waxayna si rasmi ah ugu dhisan tahay Sharci L.72 ee 7 Septembar 1977 oo ah sharciga Jaamacadda Ummadda Soomaaaliyeed, una ogalaanaya inay heshiisyo la gasho hay’ad ama shirkad kasta oo ay uga baahan tahay inay u fuliso hawlaheeda gaarka u ah.
Hadaba Jaamacadda Ummadda waxa ay qabanaysaa tartan Gaari aan xabadda Karin (Bullet Proof).
Shirkad kastaa oo danaynayso in ay ka qab gasho tartanka ay Jaamacaddu ku doonayso Gaari aan xabadda Karin (Bullet Proof ). waxaa looga baahan yahay sharuudahan hoos ku qoran:
- Sooyaalka shirkadda ( company profile)
- Ruqsadda Ganacsiga ( Commercial License )
- Warqada cadaynta canshuur bixinta (Tax Compliance Certificate TCC ).
- Warqada qiima sheegta shirkadda ( Quotation )
Tilmaamaha Gaariga waa sida hoos ku xusan.
- Gaari nooca aan xabadda Karin (Bullet Proof).
- V8
- Midabka cadaan (white color )
- B7
- 2021/6
Dukumintiga waxaa lagu soo hagaajinayaa ama la keenayaa Xafiiska Iibka iyo Loojistikada ee JUS, Columbia Rd Xamar Weyne, Mogadishu Soomaaliya.
Qabashada Dukumintiga waxa ay ka bilaawanaysaa TR: 7/11/2023, kuna eg TR:23/11/2023, saacadu 4:00Pm.
Tixraac: SNU/BID/2023/001