Araaji Qabashada Dufcada 6-Aad e Diplomaha sare ee Qaanuunka Oo Bilaabatay (Post Graduate Diploma in Law)

Araaji Qabashada Dufcada 6-Aad e Diplomaha sare ee Qaanuunka Oo Bilaabatay (Post Graduate Diploma in Law)

OGEYSIIS

Jaamacadda Ummadda Somaaliyeed waxay qaadanaysaa dufcaddii 6aad ee Diplomaha sare ee Qaanuunka  (Post Graduate Diploma in Law)
Muddada qabashada araajidu waxay ku egtahay   25/11/2020
Shuruudaha Laga rabo qofka soo codsanayo waa
1. In uu heysto shahaado Bachelor ee maadooyinka sida Sharciga iyo Qaanuunka ama Artska la xiriira.
2. Qofkii heysto shahaado  cilmi  ah (Bachelor of Science)   waa inuu keenaa caddeyn ku saabsan  inuu baahi gaar ah u qaba barashada qaanuunka.
3. Copy- shahaadada Bachelor oo laga soo tasdiiqiyay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.
4. Afar sawir oo la cabir ah baasaboorka.
5. Codsi qeexaya sababta aad usoo codsatay Diplom-ka sare ee Qaanuunka (letter of intent).

FG: Qabashada araajida waxa ay ku egtahay 25 bisha November 2020.  Arjigaaga waxaad ku soo hagaajisaa xafiiska diiwaan galinta kulliyadda daraasaadka sare ee qaanuunka  ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed , Xarunta Shabelle , Columbia Rd, Hamar Weyne.
.
Wixii faahfaahin ah fadlan  nagala soo xariir Email: lawgraduateschool@snu.edu.so
Tags :
Facebook
Twitter
LinkedIn
Pinterest

Leave a Reply