Muqdisho, 8 Oktoobar 2026: Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, ayaa xarunta Jaamacadda ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim Axmed, oo booqasho shaqo ku timid Jaamacadda.
Wafdiga, oo ay ka mid ahaayeen Komishener Axmed Sheekh Xamsa, Komishener Farxaan Maxamed Jimcaale iyo xubno kale oo Guddiga ka tirsan, ayaa waxaa soo dhaweeyay Guddoomiyaha Jaamacadda, Guddoomiye Ku-xigeenka Cilmi baarista iyo Hal-abuurka, Dr. Cali Cawil Axmed, iyo mas’uuliyiin kale oo Jaamacadda ka tirsan.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada hay’adood, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, cilmi baarista, horumarinta waxbarashada iyo awood siinta haweenka, wacyigelinta bulshada, ilaalinta xuquuqda dadka nugul iyo faafinta mabaadi’da xuquuqul insaanka. Sidoo kale, madaxda Jaamacadda ayaa wafdiga la wadaagay warbixin ku saabsan waxqabadka, horumarka iyo caqabadaha Jaamacadda.
Waxaa si gaar ah looga hadlay fursadaha iskaashi ee u dhexeeya Guddiga iyo Xarunta Cilmi-baarista Tahriibka iyo Sharciga (MILES) ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo xoogga la saaray cilmi baarista sharciga, tahriibka iyo socdaalka, xuquuqda barakacayaasha, helitaanka caddaaladda iyo diyaarinta daraasado iyo talooyin wax ku ool ah oo lagu horumarinayo ilaalinta xuquuqul insaanka.
Guddoomiyaha Guddiga, Dr. Maryan Qaasim Axmed, ayaa tilmaantay muhiimadda ay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed u leedahay horumarinta aqoonta, cilmi baarista iyo wacyiga xuquuqul insaanka, gaar ahaan dhallinyarada, iyada oo adkaysay baahida loo qabo in aqoonta iyo cilmi baarista Jaamacadda looga faa’iidaysto wax ka qabashada caqabadaha xuquuqul insaanka ee dalka.
Labada dhinac gabagabdii waxa ay ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashi joogto ah oo horseeda hirgelinta barnaamijyo wadajir ah oo ku saabsan cilmi baarista, tababarrada, wacyigelinta bulshada iyo horumarinta ilaalinta xuquuqul insaanka, si looga qaybqaato horumarinta bulshada Soomaaliyeed.






