Ogeysiis (Barnaamijka Takhasuska ee Qaanuunka)

Ogeysiis (Barnaamijka Takhasuska ee Qaanuunka)

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxay idinku bishaareyneysaa inay bilaabeyso, Barnaamijka Takhasuska ee Qaanuunka (Master degree of law).

Jaamacaddu waxay ku bilaabeysaa labo qeybood oo takhasus ah oo ardaydu kala dooran doonaan,kuwaasoo kala ah:

  1. MAJOR IN SOMALI LEGAL STUDIES,
  2. MAJOR IN PUBLIC AND ADMINISTRATIVE LAW.

Shuruudaha laga rabo ardayga soo codsanaya Masterka Qaanuunka ee JUS waa:

  1. Inuu  keeno arji uu ku codsanayo ka qeybgalka barnaamijkaas.
  2. Inuu keeno shahaadada heerka 1aad ( Shareeca iyo Qaanuun) asal iyo nuqul lasoo tasdiiqay ama Shahaadada dibloomaha sare ee Qaanuunka oo ay bixisay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed;
  3. Warqada dhalashada ama baasaboor
  4. Labo sawir midabeysan nooca teesaraha dhabarkiisuna cadyahay

Muddada qabashada araajidu waxay  ku egtahay 31 July 2021

  Arjigaaga waxaad kusoo hagaajisaa xafiiska diiwaan galinta kulliyadda daraasaadka sare ee qaanuunka  ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed , qeybta Shabelle.

Wixii faahfaahin ah fadlan  nagala soo xariir Email: lawgraduateschool@snu.edu.so

Wabillaahi Towfiiq

Tags :
Facebook
Twitter
LinkedIn
Pinterest

Leave a Reply