Arji Qabashada Dufcada Labaad ee Takhasuska Qaanuunka oo Bilaabatay (Master Degree of law)

Arji Qabashada Dufcada Labaad ee Takhasuska Qaanuunka oo Bilaabatay (Master Degree of law)

Jamacadda Ummadda Somaaliyeed waxa ay qaadaneysa dufcadii 2aad ee barnaamijka takhasuska qaanuunka (Master Degree of Law) waxaa ayna bixinaysaa labo qaybod oo takhasus gaar ah oo ay ardaydu kala dooran doonaan :-

1. Major in Somali legal Studies

2. Major in Public and Administrative Law

Shuruudaha laga rabo ardayga soo codsanaya Masterka Qaanuunka waa:

1. Inuu keeno arji uu ku codsanayo ka qeybgalka barnaamijkaas.

2. Inuu keeno shahaadada heerka 1aad ( Shareeca ama Qaanuun) asal iyo nuqul lasoo tasdiiqay ama Shahaadada dibloomaha sare ee Qaanuunka oo ay bixisay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed;

3. Warqada dhalashada ama baasaboor

4. Labo sawir midabeysan nooca teesaraha dhabarkiisuna cadyahay

Muddada qabashada araajidu waxay ku egtahay 15 Aug 2022

Arjigaaga waxaad kusoo hagaajisaa xafiiska diiwaan galinta kulliyadda daraasaadka sare ee qaanuunka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Xarunta Shabeelle.

Wixii faahfaahin ah fadlan nagala soo xariir Email: lawgraduateschool@snu.edu.so

 

Tags :
Facebook
Twitter
LinkedIn
Pinterest

Leave a Reply