Ogaysiis: Diplomaha sare ee Qaanuunka (Post Graduate Diploma in Law)

Ogaysiis: Diplomaha sare ee Qaanuunka (Post Graduate Diploma in Law)

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Kulliyadda Takhasuska Iyo Cilmi Baarsita

 Kulliyadda Takhasuska iyo Cilmibaarista ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) waxay qaadanaysaa dufcaddii 11aad ee Diplomaha sare ee Qaanuunka (Post Graduate Diploma in Law)

Shuruudaha looga baahan yahay codsadaha:

  1. In uu heysto shahaado Bachelor ee maadooyinka sida Sharciga iyo Qaanuunka ama Arts ka la xiriira.
  2. Qofkii heysto shahaado cilmi ah (Bachelor of Science)   waa inuu keenaa caddeyn ku saabsan inuu baahi gaar ah u qaba barashada qaanuunka.
  3. Copy- shahaadada Bachelor oo laga soo tasdiiqiyay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.
  4. Afar sawir oo la cabir ah baasaboorka.
  5. Codsi qeexaya sababta aad usoo codsatay Diplom-ka sare ee Qaanuunka (letter of intent).

FG: Araaji qabashadu waxey ku egtahay 25 January 2023.

Arjigaaga waxaad kusoo hagaajisaa xafiiska diiwaan galinta Kulliyadda Takhasuska iyo Cilmibaarista ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, qeybta Shabelle.
Wixii faahfaahin ah fadlan nagala soo xariir Email: lawgraduateschool@snu.edu.so
Wabillaahi Towfiiq

Tags :
Facebook
Twitter
LinkedIn
Pinterest

Leave a Reply