Master of Public Health

Master of Public Health

Kulliyadda Takhasuska iyo Cilmi Baarista ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) waxey ogaysiinaysaa dhammaan bahda waxbarashada in uu furmay diiwaan gelinta Baranaamijka Takhasuska ee MPH (Master of Public Health) Sanad-Tacliimeedka 2023-2024

Muddada waxabarashadu waa laba sano (24 months).

Shuruudaha looga baahan yahay codsadaha:

  • Waa Inuu haystaa shahaadada heerka laad (Bachelor) oo ay bixisay Jaamacad la agoonsan yahay.
  • Waa in ay tahay shahaadadiisa heerka 1’aad (Bachelor) Health Sciences ama diploma sare ee Public Health (Post Graduate Diploma in Public health).
  • Ardayga waa inuu soo tasdiiqiyaa shahaadadiisa:
  • Shahaadada jaamacadaha dalka waa inuu ka tasdiiqiyaa wasaarada waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee
  • Shahaadada jaamacadaha Dibadda waa inuu ka tasdiiqiyaa wasaarada Arimaha Dibadda ee dalka ay jaamacadda ku taalo.
  • In darajada u ku haysto shahaadadiisa aysan ka yaraan heerka «fiican» (Good).
  • Waa inuu ka gudbaa Imtixaanka soo galidda ee kulliyadda Takhasuska ee JUS.

FG: Araaji qabashadu waxey ku egtahay 15 July 2023.

Si aad isu diwaan geliso buuxi foomka hoose; 

https://forms.gle/xybNeskaXsEFjufK6

 

Wixii Faafaahin dheeraad ah fadlan kala xiriir:

Xafiiska Kulliyadda Culuumta Caafimaadka iyo Daaweynta Cudurrada Tropical ka

Xarunta Km4, JUS. E-mail: sphr@snu.edu.so

Tags :
Facebook
Twitter
LinkedIn
Pinterest