Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa ka qeyb gashay carwada bandhiga wax qabadka ee dowlada. Jaamacadda ayaa carwadaas kuso bandhigtay guulihii ay gaartay mudadii 10 ka sano aheyd ay shaqeyneysay kadib markii dib lo howl galiyay sanadkii 2014, taasoo ku beegan toban sano.
Mudadaas kooban Jaamacadda waxaa ka qalinjabisay arday kor u dhaafeysa 2,400, ayadoo sidoo kale ay wax ka bartaan arday ka badan 12,000. Jaamacadda waxey leedahay 13 kulliyadood iyo 44 takhasus oo isugu jira shahaadada heerka koowaad iyo labaad.