Muqdisho, 20 May 2026 – Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS), Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, ayaa shir guddoomiyay kulanka billaha ah ee Golaha Tacliinta Jaamacadda, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta tacliinta, tayeynta nidaamka waxbarashada, iyo casriyeynta adeegyada Jaamacadda iyadoo la adeegsanayo teknoolojiyadda dijitaalka ah.
Kulanka waxaa ka qayb galay Rektar Ku-xigeennada Jaamacadda ee Maamulka iyo Maaliyadda, Qorsheynta iyo Horumarinta, iyo Arrimaha Ardayda iyo Xiriirka Bulshada, xubnaha Golaha Tacliinta, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Jaamacadda.
Intii uu kulanku socday, waxaa lagu falanqeeyay arrimo muhiim u ah horumarinta tayada waxbarashada iyo kor u qaadidda waxqabadka tacliimeed ee Jaamacadda. Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay warbixinno ay diyaariyeen Xafiiska ICT-da, kuwaas oo iftiimiyay dadaallada socda ee lagu casriyeynayo adeegyada Jaamacadda iyo hirgelinta nidaamyo dijitaal ah oo sare u qaadaya hufnaanta maamulka, maamulka xogta, iyo tayada adeegyada waxbarasho.
Warbixinnada ayaa si gaar ah diiradda u saaray horumarka laga sameeyay adeegyada dijitaalka ah, kobcinta kaabayaasha teknoolojiyadda, iyo qorshayaasha mustaqbalka ee lagu xoojinayo adeegsiga nidaamyada casriga ah si loo fududeeyo adeegyada ay Jaamacaddu siiso ardayda, macallimiinta, iyo maamulka.
Raktarka Jaamacadda, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Jaamacaddu sii waddo dadaallada lagu horumarinayo tayada waxbarashada iyo adeegsiga teknoolojiyadda casriga ah, si loo xaqiijiyo adeegyo waxbarasho oo tayo leh, hufan, isla markaana la jaanqaadaya heerarka caalamiga ah.
Kulankan billaha ah ee Golaha Tacliinta ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay ku xoojinayso maamulka tacliinta, horumarinta adeegyada waxbarashada, iyo hirgelinta hal-abuurro dijitaal ah oo ka qayb qaata kobcinta waxbarashada sare ee Soomaaliya.





