Guddoomiye Ku-xigeenka Cilmi baarista iyo Hal abuurka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Dr. Cali Cawil Axmed, ayaa shir guddoomiyay kulan wadatashi ah oo lagu falanqeeyay diyaarinta Istaraatiijiyadda Cilmi baarista iyo Hal abuurka Jaamacadda ee sannadaha 2026 – 2030.
Kulanka waxaa diiradda lagu saaray dejinta ajande mideysan oo hagaya cilmi baarista, hal abuurka, curinta iyo ganacsiga (innovation and entrepreneurship), si loo waafajiyo mudnaanta horumarineed ee dalka, loona xoojiyo doorka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee xal u helidda caqabadaha bulshada.
Dr. Cali Cawil, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Jaamacaddu yeelato istaraatiijiyad cad oo mideysa dadaallada cilmi-baarista iyo hal-abuurka, isla markaana kor u qaadda iskaashiga u dhexeeya kulliyadaha, xarumaha cilmi-baarista, hay’adaha dowladda, iyo bahda cilmiyeed.
Kulanka waxaa ka qayb galay, madaxda kulliyadaha, agaasimayaasha, madaxda xarumaha cilmi baarista, bareyaal iyo cilmi baarayaalka tirsan Jaamacadda. Intii uu kulanku socday, waxaa la is dhaafsaday fikrado iyo talooyin ku saabsan mudnaanta cilmi baarista, horumarinta hal abuurka iyo kobcinta ganacsiga, kuwaas oo saldhig u noqon doona hirgelinta istaraatiijiyadda shanta sano ee soo socota.








