29 Agoosto 2021 JUS: – Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) iyo Akadeemiyad Goboleedka Af-Soomaaliga (AGA) ayaa kala saxiixday Iskaashi iyo wada shaqeyn iyo horumarinta Af Soomaaliga. Munaasabad balaaran oo ay heshiis is afgarad ku kala saxiixanayeen Jaamacadda Ummadda iyo Akadeemiyad Goboleedka Af-Soomaaliga ayaa ka dhacday xarunta JUS ee Shabeele. Munaasabada ayaa waxa qayb galay masuuliyiin ka kala socday labadda hay`adood, oo ay ugu horaayaan Raktarka JUS, Dr. Xasan Cumar Mahadalla, Raktar Xigeenka Mamulka iyo Maaliyada JUS Dr. Cabdullahi Shiikh Rashiid Dr. Maki, Gudoomiyaha AGA, Dr. Maxamed Daahir Afrax, Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim, Xildhibaan Khaalid Macoow, Agaasimayaal iyo masuuliyiin ka mitirsan JUS iyo AGA.
Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Dr. Xasan Cumar Mahad Allah, oo ka hadlay musaasabada saxiixa heshiiska is afgarad ayaa ka sheekeeyay muhiimada afku u leeyahay Qaranimada iyo jiritaanka Ummadda, horumarinta afka ay ka dhigan tahay horumarinta Ummadda, sidoo kale waxa uu ku dheeraaday kaalinta JUS ee ku aadan hormarinta iyo afka dhaqanka iyo cilmiga
“Afku waa deeq iyo awood Alle ina siiyay oo ina midaysa, isku fahano, isuguna soo dhawaano, Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Af-Soomaaliga waxa ay ku bixin doontaa Shahaado dhawaan waxaa la ansaxiyay holwna galaysa mar dhaw Kulliyadda Luqadaha oo Taqasusuyada lagu dhigan doono uu ka mid ahaan doono Af Soomaaliga, dhaqanka iyo hidaha Umadda, iyo luqadaha kale ee caalamiga ah” Ayuu yiri Dr. Xasan CUmar Mahad Alla Rakrataka JUS.
Guddoomiyaha Akadeemiyad Goboleedka Af Soomaaliga Dr. Maxamed Daahir oo dhankiisa ka hadlay munaasabaddii ayaa sheegay heshiiskaani yahay fursad wayn oo u soo hoyatay bahda afka, dhaqanka iyo aqoonta. Dr Maxamed ayaa intaasi ku daray in labada hay`adood ee heshiiska kala saxiixday ay yehiin kuwa hormuud u ah horumarinta iyo afka iyo dhaqanka , wuxuuna wax badan ku soo kordhin doonaa faafinta aqoonta,
Masuuliyiinta kale ee ka hadashay munaasabadda saxiixa heshiiska is af garad waxaa ka mid, Raktar ku-xigeenka Jaamacadda Ummadda Dr. C/llaahi Shiikh Rashiid (Dr.Maki) waxa uu ka sheekeeyay taariikhda JUS iyo marxaladaha ay soo martay, xiligaan halka taagantahay iyo halka ay higsanayso.
Sidoo kale waxaa munsaasabada goob jog ka ahaa xilibaano ka tirsan golaha Baarlamaanka faderaalka Soomaaliya, oo uu ugu horeeyo Xildhibaan Khaalid Macood oo ka mida ah barayaasha Kulliyadda Cilmiga Bulshada, gaar ahan qaybta Saxaafadda, ahna khabiir ku xeel dheer Af-Soomaaliga, iyo Xildhibaan Marya Cariif Qaasim oo ka mida Asaasayaasha Akaadeemiyad goboleedka Af Soomaaliga. Xildhibaan Maryan ayaa sheegtay in ay waqti badan geliyeen sidii afka Soomaaliga uusan u dabar go`I lahayn, hada arrintaasina ay guul ka hormar intaan ka badana ay u sugayaan.