Muqdisho, Soomaaliya – Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah heshiis is-afgarad (MoU) ula saxiixatay Yangzhou University iyo Xarunta Daraasaadka Afrika ee Jaamacaddaas, heshiis kaas oo lagu xoojinayo iskaashi wax ku ool ah oo dhinacyo badan leh.
Heshiiskan ayaa diiradda saaraya horumarinta tacliinta sare, fulinta cilmi-baaris wadajir ah, is-weydaarsiga aqoonta iyo khibradaha, iyo kobcinta fahamka dhaqamada kala duwan. Sidoo kale, iskaashigan cusub wuxuu gacan ka geysan doonaa horumarinta daraasaadka Afrika iyo xoojinta xiriirka tacliimeed ee caalamiga ah.
Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxay sii xoojinaysaa dadaalladeeda ku aaddan dhisidda iskaashi istiraatiiji ah oo ay la yeelanayso jaamacado iyo xarumo cilmiyeed oo heer caalami ah, si loo kobciyo tayada waxbarashada iyo cilmi-baarista dalka.






