Muqdisho, 02 Luulyo 2026 – Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa qabatay kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen maamulka sare ee Jaamacadda, macallimiinta, agaasimeyaasha, hormuudyada iyo guud ahaan shaqaalaha Jaamacadda. Kulanka ayaa ka qabsoomay Hoolka Shariif Saalax ee xarunta dhexe ee Jaamacadda.
Kulanka ayaa lagu falanqeeyay sidii loo horumarin lahaa tayada shaqaalaha iyo waxqabadka Jaamacadda, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta, sare u qaadidda isla xisaabtanka, kobcinta cilmi-baarista iyo hal-abuurka.
Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, oo khudbad ka jeediyay munaasabadda, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay tayeynta shaqaalaha iyo dhiirrigelinta cilmi-baarista iyo hal-abuurka. Wuxuu sheegay in horumarinta aqoonta iyo xirfadaha shaqaaluhu ay saldhig u tahay kor u qaadidda tayada waxbarashada iyo adeegyada ay Jaamacaddu u fidiso bulshada Soomaaliyeed.
Guddoomiyuhu waxa kale oo uu xusay in kulamada noocan oo kale ahi ay xoojinayaan wada shaqeynta, is dhexgalka iyo is-fahamka shaqaalaha, isla markaana ay gacan ka geysanayaan dhismaha jawi shaqo oo ku dhisan wada-tashi, isla xisaabtan iyo hufnaan.





