Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo kaashaneysa Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Islaamka waxay bulshada Soomaaliyeed ku wargelinaysaa furitaanka diiwaan-gelinta Takhasusaatka Mastarada ee soo socda:
Takhasusyada la bixinayo:
- Mastarka Dacwada
- Mastarka Garsoorka iyo Siyaasadda Sharciga
Faahfaahin Kooban:
- Nooca Shahaadada: Master Degree (ماجستير)
- Muddada Waxbarashada: 2 sano
- Maalmaha Casharrada: Sabti – Khamiis
- Goobta Waxbarashada: Machadka Sare ee Dacwada & Daraasaadka Islaamka (Masjidka Isbaheysiga Islaamka)
- Kharashka: Bilaash (Lacag la’aan)
Shuruudaha Guud:
- Inuu codsaduhu haysto shahaado heerka 1aad (Bachelor) oo ku saabsan takhasusyada la xiriira (Shareeca iyo Qaanuun – الشريعة والقانون, Shareeca – الشريعة, Qaanuun – القانون, Daraasaadka Islaamka – الدراسات الإسلامية, Dacwa – الدعوة, Fiqhi – الفقه, Usuulul Fiqhi – أصول الفقه, Kitaab wal Sunnah – الكتاب والسنة, Qur’aan – علوم القرآن, iyo Af Carabi – اللغة العربية).
- Inuu codsaduhu kasoo gudbo Imtixaanka Qabuulka.
- Inuu soo gudbiyo dukumintiyada shuruudaha ah (Shahaado asalka & nuqul tasdiqsan, Warqad codsi, File, 4 sawir teesaro ah, Aqoonsi, Warqad Dambi la’aan, iwm.).
- Inuu la socdo qof mas’uul ah marka uu iman doono is-diiwaan-gelinta.
Dukumintiyada Laga Rabo Ardayga:
- Shahaadada Jaamacad 1aad (asal & copy tasdiqsan) iyo HEMIS ID
- Warqad codsi waxbarasho
- File/Gal bir leh
- 4 sawir teesaro ah
- Aqoonsi shaqsiyeed (Dhalasho/Sugnaan, Kaarka Qaranka, ama Baasaboor)
- Warqadda Dambi la’aanta (CID)
Goobta & Waqtiga Diiwaan-gelinta:
- Goobta: Xafiiska Diiwaan-gelinta, Kulliyadda Takhasuska & Cilmi-baarista JUS (Xamar Weyne)
- Muddada Diiwaan-gelinta: 30/Sept/2025 – 10/Oct/2025
- Saacadaha: 8:30am – 4:00pm
- Bilowga Daraasadda: 20/Oct/2025
- Tirada Ardayda la qaadanayo (Dufcadda 2aad): 200 arday