Program: Master of Da’wa & Imam

Program: Master of Da’wa & Imam

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed & Wasaaradda Diinta & Awqaafta waxay iska kaashanayaan bixinta barnamij Master ah oo lagu qaadan doono Shahaadada Masterka Dacwada & Imaamnimada.

Kulliyadda Takhasusaadka & Cilmi baarista JUS, ayaa bixin doonto barnaamijkaas, mas`uulna

ka nqoon doonto habsami usocodka Barnaamijkaas.

Waxaa Casharada lagu qaadan doonaa Machadka weyn ee Masjidka Isbaheysiga Islaamka.

Faahfaahin ku saabsan Barnaamjijka Master ka Dacwada & Imaamnimada

  • Magaca Barnaamijka: Dacwada & Imaamnimada (واإلمامة الدعوة)
  • Nooca Shahaadada la bixinaayo: Master Degree (ماجستير)
  • Muddada Waxbarashada: 2 Sano
  • Maalmaha Waxbarashada: Sabti ilaa Khamiis
  • Qarashka Waxbarashada: Lacag la`aan
  • Goobta Waxbarashada: Machadka Masjidka Isbaheysiga Islaamka
  • Goobta Diiwaangelinta: Xafiiska Diiwaanka Kulliyadda Takhasusaadka & Cilmi baarista JUS (Xamar Weyne)
  • Waqtiga Diiwaangelinta & Qabashada Codsiyada:

1/Nov/2023 ilaa 20/Nov/2023

  • Waqtiga ay Diraasada bilaabanayso: 1/December/2023
  • Tirada Ardayda loo qaadanayo Dufcada 1aad: 150 Arday

Shuruudaha lagu qaadanayo Ardayda Cusub

Dhammaan Ardayda doonaysa inay ku soo biiraan barnaamijkan masterka ah (واإلمامة الدعوة ماجستير برنامج) sanad tacliimeedkan 2023/2024, waxaa laga rabaa inay buuxiyaan shuruudaha hoos ku xusan:

  1. Inuu Codsadaha barnaamijkan shahaadada heerka 1aad ka heysto mid ka mid ah takhasusyada hoos ku xusan
    Shareeca wal qaanuun
    Shareeca
    Diraasaad Islaam
    Fiqhi
    Kitaab wal sunnah
    Qur`aan
    Carabi
  2. Iyo Wixii la xiriira takhasusyadaas
  3. Inuu ka soo gudbo Imtixaanka Qabuulka.

Dukumintisyada laga rabo Ardayda Cusub

  1. Codsade kasta waa inuu heystaa shahaadada heerka 1aad ee Jaamacadda asal & Copy (Shahaadada waa inay ahaataa mid tasdiiqsan)
  2. Codsade kasta waa inuu Xafiiska kulliyadda Takhasusaadka & Cilmi baarista keensadaa
    • Warqad Codsi Waxbarasho
    • File ama Gal bir leh
    • Afar Sawir oo teesaro ah
    • Aqoonsi Shaqsi (Dhalasho & Sugnaan, ama Passport)
    • Warqadda Dambi la`aanta(CID)
  3. Codsade Kasta Waa inuu la socdaa Waalid ama qof Mas`uul ka ah

La Dag Dukumintiga ogeysiis ka 

Diiwaangelinta & Qabashada Codsiyada waxa ay ku egtahay 20 Nov 2023

Si aad u codsato fadlan Buuxi Foomka Hoose

https://forms.gle/gyghCRBEAEPASLMe7 

Tags :
Facebook
Twitter
LinkedIn
Pinterest