Muqdisho, Soomaaliya – 15 Abriil 2026: Waxaa maanta si rasmi ah uga qabsoomay xarunta School of Management and Public Administration (SMPA) ee ku taalla Science and Technology Park, Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, munaasabad lagu saxiixayay heshiis is-afgarad (Memorandum of Understanding – MoU) oo u dhexeeya SMPA ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo National School of Administration (SNA) ee Jamhuuriyadda Talyaaniga.
Munaasabaddan oo ahayd mid heer sare ah ayaa waxaa ka soo qayb galay marti sharaf kala duwan, oo ay ka mid ahaayeen:
Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah
Safiirka Jamhuuriyadda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya
Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (SNU)
Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Heshiiskan iskaashiga ah ayaa lagu saleeyay xoojinta awoodda hay’adaha dowliga ah iyo horumarinta maamul-wanaagga, iyadoo la adeegsanayo khibrad caalami ah iyo iskaashi wax ku ool ah.
Ujeeddooyinka ugu muhiimsan ee iskaashigan waxaa ka mid ah:
Dhiska Awoodda (Capacity Building): Kobcinta xirfadaha shaqaalaha dowladda iyo horumarinta hannaanka maamulka
Cilmi-baarista Siyaasadda Dadweynaha (Public Policy Research): Taageeridda cilmi-baarisyo wax ku ool ah oo hagaya go’aan qaadashada
Maamulka Dijitaalka (Digital Governance): Horumarinta adeegyada dowladeed ee ku saleysan tiknoolajiyadda casriga ah
Is-weydaarsiga Tacliinta (Academic Exchange): Isdhaafsiga ardayda, macallimiinta, iyo khubarada
Mas’uuliyiintii ka hadlay munaasabadda ayaa muujiyay muhiimadda uu heshiiskani u leeyahay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Talyaaniga, gaar ahaan dhinacyada tacliinta, cilmi-baarista, iyo maamulka dowliga ah.
Heshiiskan MoU-ga ah waxa uu astaan u yahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka horumarinta hay’adaha dowladeed, kobcinta aqoonta, iyo dhisidda nidaam maamul oo hufan oo la jaanqaadaya heerarka caalamiga ah.






