Waxaa la ogaysiinayaa Ardayda danaynaysa in ay ku soo biiraan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed sannad tacliimeedka 2024-2025, in qabashada Araajida ay ku egtahay 26-Sep-2024,Saacadaha shaqadu waa 8:00 subaxnimo ilaa 04:00 galabnimo.
Shuruudaha laga rabo Ardayga waa :-
1. Kaarka Aqoonsiga Imtixaanka Qaranka (Ardayda Sanadkaan Ka baxday Dugsiga Sare) / Shahaadadada Dugsiga Sare ee Wasaaradda Waxbarashada Asal iyo Koobi
2. Warqadda Dhalashada oo ay ku cadahay Maalinta, Bisha & Sanadka / Kaarka Aqoonsiga
3. Laba (2) Sawir nooca teesaraha ah oo Daaha Dambe uu cadaan yahay (Background)
4. Gal (File) bir leh
FG:
– Ardayda Sanad kaan gashay Imtixaanka Qaranka waxa ay diiwan gelinta u bilaaanaysaa marka natiijada usoo baxdo.
– Diiwaangelinta ardayda cusub waxay ku egtahay: 26 Sep 2024
– Soo ogaanshaha goobta iyo fasalka Imtixaanka: 30 Sep 2024
– Taariikhda Imtixaanka loo fadhiisanayo: 01 Oct 2024
Diiwaan gelintu waxey ka socotaa xafiiska Diiwaaniyaha Guud ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed xarunteeda Km4.