239 Araday ayaa u fadhiistay imtixaanka aqbalaad Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed fareecada Puntland ee magaalada Badhan.
kulliyadaha kala ah: Caafimaadka qaybta Kaaliyaha (Nursing), Kulliyadda Sayniska, qaybta Jiyoolajiga (Geology), Kulliyadda Waxbarashada iyo kulliyadda Daraasaadka Islaamaka ayeey ardaydu kala doorteen
Imtixaanka waxaa si wada jir ah u furay Agaasimaha xarunta Badhan Caydaruus Ahmed Faarax Oday iyo Guddoomiyaha Guddida howl-gelinta Jaamacadda Ummadda Soomaliyeed, fareceeda Badhan Dr. Cabdinuur Faarax Cali, isla markaana ah hormuudka kulliyadda Daraasaadka Islaamka.