Muqdisho, Soomaaliya – 18 April 2026:- Raktarka Xigeenka Horumarinta iyo Qorshaynta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Fu’aad Mire Xasan, ayaa si rasmi ah u daah-furay barnaamij tababar oo muhiim ah oo loogu talagalay tababarayaasha (Training of Trainers – ToT), kaas oo diiradda saaraya waaxyaha Caafimaadka iyo Caddaaladda.
Tababarkan oo soconaya inta u dhaxaysa 18–23 April 2026, ayaa qayb ka ah mashruuca Public Administration Italy-Somalia – Training of Somali State Officials (PAIS-FUS), waxaana si gaar ah loogu talagalay shaqaalaha dowladda ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha ee Soomaaliya.
Barnaamijkan ToT ayaa ujeedkiisu yahay xoojinta awoodda shaqaalaha dowladda, kor u qaadista xirfadaha hoggaamineed, iyo hagaajinta tayada adeegyada guud, gaar ahaan qaybaha caafimaadka iyo caddaaladda.
Munaasabadda daah-furka oo ka dhacday Xarunta Lana Business Park ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan, khubaro, iyo ka qaybgalayaal ka kala socday hay’adaha dowladda.
Prof. Dr. Fu’aad Mire Xasan ayaa sheegay in tababarkan uu door muhiim ah ka qaadan doono horumarinta aqoonta iyo kartida shaqaalaha, isla markaana uu kaalin weyn ka geysan doono dhismaha hay’ado dowladeed oo hufan, karti leh, isla markaana u adeega bulshada.





