Seminar ku Saabsan Horumarinta Dhaqaalaha Buluugga oo Lagu Qabtay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Seminar ku Saabsan Horumarinta Dhaqaalaha Buluugga oo Lagu Qabtay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Muqdisho, Soomaaliya 15 Abriil 2026:- Waxaa shalay oo Talaado ahayd si habsami leh uga qabsoomay xarunta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (KM4) seminar muhiim ah oo diiradda lagu saaray horumarinta dhaqaalaha buluugga ee Soomaaliya, iyadoo si gaar ah loo falanqeeyay fursadaha jira iyo caqabadaha ku xeeran.

Seminaarkan ayaa si wadajir ah u soo agaasimay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, taasoo muujinaysa muhiimadda ay labada dhinac siinayaan ka faa’iideysiga kheyraadka badda iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Kulanka waxaa si rasmi ah u daah-furay Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Mohamed Mohamud Mohamed, oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo cilmi-baarista, aqoonta, iyo iskaashiga hay’adaha si loo horumariyo dhaqaalaha buluugga.

Intii uu socday seminaarka, waxaa la soo bandhigay xog muhiim ah oo ku saabsan kheyraadka badda Soomaaliya, fursadaha maalgashi, iyo doorka ay aqoonta iyo cilmi-baaristu ku leeyihiin horumarinta waaxdan. Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qayb galay maamulka Qaybta Marine Science ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo macallimiin tiro badan.

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxay u mahadcelineysaa dhammaan martida iyo ka-qaybgalayaasha kaalinta weyn ka qaatay qabsoomidda seminaarkan guusha leh.

Seminaarkani waxa uu astaan u yahay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xoojinta iskaashiga u dhexeeya wasaaradaha dowladda iyo hay’adaha tacliinta sare, si loo gaaro horumar waara oo ku saleysan ka faa’iideysiga kheyraadka badda ee dalka.

Tags :
Facebook
Twitter
LinkedIn
Pinterest