Muqdisho, 14 Juun 2026 :- Waxaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotel Jazeera, lagu qabtay Shirweynaha Labaad ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya (AI Somalia Summit 2026), kaas oo isu keenay masuuliyiin dowladeed, aqoonyahanno, cilmi-baarayaal, khubaro tiknoolajiyadeed, hal abuurayaal, ganacsato iyo arday ka kala yimid gudaha iyo dibadda dalka.
Shirweynaha oo ay si wadajir ah u qabanqaabiyeen AI Somalia Community, Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (NCA), Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo Jaamacadda Zamzam ee Sayniska iyo Teknoolajiyadda, ayaa socday muddo laba maalmood ah, iyadoo lagu falanqeyay doorka Garaad Gacmeedku ku leeyahay horumarinta waxbarashada, caafimaadka, beeraha, adeegyada dowladda, dhaqaalaha dijitaalka ah iyo kobcinta hal abuurka Soomaaliyeed.
Munaasabadda furitaanka waxaa ka qayb galay masuuliyiin sare oo ay ka mid yihiin Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Ismaaciil Diiriye, Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, iyo Prof. Mohamud Mohamed Hassan (Harbi), Guddoomiyaha Jaamacadda Zamzam.
Intii uu socday shirku, waxaa lagu soo bandhigay hadal jeednimo, dood cilmiyeedyo iyo bandhigyo tiknoolajiyadeed oo diiradda lagu saaray sidii Garaad Gacmeedka loogu adeegsan lahaa xal u helidda caqabadaha Soomaaliya. Mawduucyada laga dooday waxaa ka mid ahaa maamulka iyo nidaaminta AI-ga, adeegyada bulshada, waxbarashada, caafimaadka, beeraha, amniga dhijitaalka ah, ilaalinta xogta, afka Soomaaliga iyo dhaqaalaha dijitaalka ah.
Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, ayaa sheegay in Garaad Gacmeedku uu yahay fursad weyn oo Soomaaliya ka caawin karta dardargelinta horumarka waxbarashada, cilmi-baarista, hal abuurka iyo adeegyada bulshada. Waxa uu xusay in Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay inay hormuud ka noqoto kobcinta aqoonta, cilmi baarista iyo tababarrada la xiriira Garaad Gacmeedka, si loo soo saaro jiil Soomaaliyeed oo leh xirfado casri ah kana qayb qaata horumarka dijitaalka ah ee dalka.
Guddoomiyuhu waxa uu sidoo kale ku boorriyay dhalinyarada Soomaaliyeed inay ka faa’iidaystaan fursadaha ay bixiyaan tiknoolajiyadaha cusub, gaar ahaan Garaad Gacmeedka, si ay u noqdaan hal-abuurayaal, cilmi-baarayaal iyo hoggaamiyeyaal door muuqda ka qaata dhismaha mustaqbalka Soomaaliya.
Shirweynaha AI Somalia Summit 2026 ayaa la filayaa inuu xoojiyo iskaashiga u dhexeeya dowladda, jaamacadaha, ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo bulshada hal abuurka, si loo dardargeliyo horumarka dijitaalka ah iyo adeegsiga mas’uuliyadda leh ee Garaad Gacmeedka Soomaaliya.







