Kigali, Ruwaanda:- Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) iyo Jaamacadda Ruwaanda (University of Rwanda) ayaa kala saxiixday heshiis is afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada waxbarashada sare, cilmi baarista iyo horumarinta awoodaha aqooneed.
Heshiiska waxaa kala saxiixday Prof. Dr. Fuad Mire Hassan, Gudoomiye ku-xigeenka Qorshaynta iyo Horumarinta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, iyo Dr. Raymond Ndikumana, Guddoomiye Ku xigeenka Jaamacadda Ruwaanda ee Qorshaynta Istaraatiijiga ah iyo Arrimaha Maamulka.
Iskaashigaan ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta wada shaqaynta tacliimeed ee u dhexeysa labada jaamacadood, iyadoo diiradda la saarayo hirgelinta cilmi baarisyo wadajir ah, is dhaafsiga aqoonta iyo khibradaha, kobcinta xirfadaha aqoonyahannada iyo ardayda, iyo sare u qaadista tayada waxbarashada sare.
Sidoo kale, heshiiskan ayaa taageeraya dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu horumarinayo barashada nabadda, xoojinta dib u heshiisiinta qaran, kobcinta wadajirka bulshada, iyo dhismaha jiilal ku barbaara qiyamka nabadda, dulqaadka, wada noolaanshaha iyo muwaadinnimada masuulka ah.
Heshiiskan ayaa ka dhashay wada-hadallo iyo kulamo istaraatiiji ah oo ay dalka Ruwaanda ku yeesheen wafdi uu hoggaaminayo Prof. Dr. Fuad Mire Hassan. Wafdiga ayaa waxaa sidoo kale ka mid ahaa masuuliyiin ka socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, iyo Guddiga Qaranka ee Tacliinta Sare.
Heshiiskaan wuxuu astaan u yahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga tacliimeed ee gobolka Afrika, isla markaana lagu kobcinayo fursadaha waxbarasho, cilmi-baaris iyo horumar waara oo ay ka faa’iideysan doonaan labada dal.






