Jaamacadda Ummadda iyo Jaamacadda Palermo oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Tacliinta Sare iyo Daraasaadka Sare

Jaamacadda Ummadda iyo Jaamacadda Palermo oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Tacliinta Sare iyo Daraasaadka Sare

Palermo, Talyaaniga, 8-May 2026:- Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) ayaa kulan muhiim ah la qaadatay maamulka sare ee Jaamacadda Palermo (UNIPA), kulan ay hoggaaminayeen Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo Guddoomiyaha Jaamacadda Palermo.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga tacliimeed ee ka dhexeeya labada jaamacadood, gaar ahaan horumarinta iyo taageeridda Kulliyadda Takhasusaadka (Postgraduate Faculty) ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, si loo kordhiyo tayada iyo fursadaha waxbarashada sare ee dalka.

Intii uu kulanku socday, labada dhinac waxay si qoto dheer uga wada hadleen arrimo muhiim u ah horumarinta tacliinta sare, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

Kor u qaadidda tayada iyo tayeynta barnaamijyada Master’s-ka ee ay bixiso Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Hirgelinta barnaamijyo PhD ah oo wadajir ah (Joint PhD Programs) oo ay iska kaashanayaan labada jaamacadood.

Xoojinta cilmi-baarista iyo iskaashiga aqooneed ee u dhexeeya macallimiinta iyo cilmi-baarayaasha labada dhinac.

Kobcinta tayada waxbarashada sare iyo diyaarinta aqoonyahanno Soomaaliyeed oo leh aqoon iyo xirfado la jaanqaadaya heerarka caalamiga ah.

Labada jaamacadood ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii ballaarinta iskaashiga dhinacyada cilmi-baarista, is-weydaarsiga aqoonta, iyo horumarinta fursadaha waxbarasho ee ardayda iyo macallimiinta.

Iskaashiga u dhexeeya Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo Jaamacadda Palermo wuxuu ka tarjumayaa sida ay uga go’an tahay labada hay’adood horumarinta aqoonta, cilmi-baarista, iyo kobcinta awoodda jiilka cusub ee aqoonyahannada Soomaaliyeed.

Tags :
Facebook
Twitter
LinkedIn
Pinterest