Somali National University
Faculty of Graduate Studies and Research
Master of Sciences in Integrated Water Resources Management
Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed oo kaashanaysa Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, UNDP iyo SIDA waxay ogaysiineysaa dhammaan bahda waxbarshada in ay soo kordhisay takhasus (Master Degree) la xirrira Iskudhafka Maareeynta Kheyraadka Biyaha (Master of Science in Integrated Water Resources Management) oo mudadiisu tahay 2 sano (24 months).
Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha oo ka duuleysa Istaraatiijiyada Qaran ee Maareeynta Kheyraadka Biyaha, waxay dadaal dheer ku bixisay hirgelinta barnaamijkaan si loo helo aqoonyahano Soomaaliyeed oo ku takhasusay Maareeynta Kheyraadka Biyaha maadama ay aad u yar yihiin dadka aqoontaan u leh cilmigaan iyo guud ahaan Biyaha.
Shuruudaha looga baahan yahay codsadaha:
- Wa in uu soo gudbiyaa codsi.
- Waa Inuu haystaa shahaadada heerka laad (Bachelor) oo ay bixisay Jaamacad la agoonsan yahay.
- Waa in ay tahay shahaadadiisa heerka 1’aad (Bachelor), Engineering, Natural Sciences (Water, Agriculture, Livestock, Geology, Environment and related field) and Social Sciences (Economics, Social science and Management).
- Ardayga waa inuu soo tasdiiqiyaa shahaadadiisa:
- Shahaadada jaamacadaha dalka waa inuu ka tasdiiqiyaa wasaarada waxbarashada ee
- Shahaadada jaamacadaha Dibadda waa inuu ka tasdiiqiyaa wasaarada Arimaha Dibadda ee dalkaas.
- Waa inuu ku hadli karo qorina karo luuqada English ka.
- Waa inuu leeyahay khibrad ugu yaraan 2 sano.
- In darajada u ku haysto shahaadadiisa aysan ka yaraan heerka «fiican» (Good).
- Waa inuu ka gudbaa Imtixaanka soo galidda ee Kulliyadda Takhasuska ee JUS.
FG: ardayda kaalimaha hore ka gala imtixaanka waxey heli doonaan wax barasho lacag la’aan ah (full scholarship).
Araaji qabashadu waxa ay ku egtahay 10 AUGT, 2022.
Faahfaahin dheeri ah waxaad ka heli kartaa xafiiska kulliyadda Takhasuska iyo Cilmi Baarista ee JUS, xarunta xamrweyne ama la xeriir: gsr@snu.edu.so
Hadaba hadii aad danaynayso halkaan ka codso: Codsiga waa la xiray (Application closed)