Araaji Qabashada Dufcada 2-aad, ee Culuumta Siyasadda (Political Science) oo Bilaabatay

Araaji Qabashada Dufcada 2-aad, ee Culuumta Siyasadda (Political Science) oo Bilaabatay

Jaamacada Ummada Soomaaaliyeed, waxay Bulshada Soomaaliyeed ee jecel waxbarashada Sare ee (Postgraduate) ugu Bishaaraynaysaa in ay Qaadaneyso Dufcadii Labaad ee Culuumta Siyasadda (Political Science) .

Hadaba Shuruudaha Laga Doonayo Ardeyga Soo Codsanayo Waa :

  1. Inuu heystaa shahaadada heerka koowaad ee Jaamacadda (Bachelor degree) isla markaana la xiriirtaa Culuumta Bulshada.
  2. Inuu keenaa shahaadada asalka ah iyo maadooyinka uu soo qaatey (Original certificate and transcript) iyo koobigooda oo tasdiiqsan.
  3. Inuu soo qorto codsi ka mid noqoshada waxbarashada takhasusiga ah.
  4. Inuu la yimaado labo sawir oo teesaro ah.
  5. Inuu keenaa warqad dhalasho iyo sugnaan.

Barnaamijkaan waxaa wax ka dhig doono khubaro aqoon fiican u leh  Culuumta Siyaasadda (Political science).

Arji qabashadu waa ay socotaa waxa ayna ku ektahay  29 Oktobar,2020. Waxaana lagu soo hagaajinayaa xafiiska diiwaangalinta ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, xarunta Kulliyada Farsamada ee KM4.

Caasharada waxa ay bilaaban doonaan isbuuca koowaad ee November 2020

Hooyada tacliinta Soomaaliyeed

Tags :
Facebook
Twitter
LinkedIn
Pinterest

Leave a Reply