Jaamacadda oo Qabatay Tababar Ku Saabsan Hirgelinta Adeegyada Microsoft 365 ee Waxbarashada

Jaamacadda oo Qabatay Tababar Ku Saabsan Hirgelinta Adeegyada Microsoft 365 ee Waxbarashada

Muqdisho, 23 May 2026 :- Xarunta KM4 ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) ayaa maanta lagu qabtay tababar ku saabsan hirgelinta adeegyada Microsoft ee waxbarashada, kaas oo ay ka qayb galeen madaxda ICT-da ee kulliyadaha iyo shaqaalaha Waaxda ICT-da ee Jaamacadda.

Tababarka waxaa bixiyay Eng. Cabdifitaax Nuur oo ka socday IMPETIK iyo Ustaad Maxamed Suudi, Madaxa Qaybta Xiriirka iyo Maamulka Mareegyada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Tababarka ayaa diiradda lagu saaray sidii looga faa’iideysan lahaa adeegyada Microsoft 365 si loo xoojiyo wada shaqeynta, isgaarsiinta, iyo hufnaanta howlaha maamulka iyo tacliinta.

Ka qaybgalayaasha ayaa lagu baray adeegsiga barnaamijyada kala duwan ee Microsoft 365, oo ay ka mid yihiin:

Microsoft Teams – Isgaarsiinta iyo wada-shaqeynta kooxaha.

SharePoint – Maareynta iyo wadaagga dukumentiyada iyo xogta.

OneDrive – Kaydinta iyo helitaanka xogta si ammaan ah.

Outlook – Maareynta iimayllada iyo jadwalka shaqada.

Microsoft Planner – Qorsheynta iyo dabagalka hawlaha iyo mashaariicda.

Agaasimaha Waaxda Teknoolojiyadda Jaamacadda, Eng. Yoonis Cabdikariim, ayaa ka hadlay muhiimadda ay adeegyadan dijitaalka ahi u leeyihiin horumarinta waxqabadka Jaamacadda. Wuxuu xusay in hirgelinta Microsoft 365 ay ka qayb qaadanayso fududeynta shaqada maalinlaha ah, xoojinta isgaarsiinta gudaha, hagaajinta maareynta habraacyada shaqo, iyo kor u qaadidda wax-soo-saarka adeegyada dijitaalka ah ee Jaamacadda.

Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada ay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ku casriyeynayso kaabayaasha teknoolojiyadda iyo adeegyada dijitaalka ah, si loo abuuro jawi waxbarasho iyo maamul oo ku dhisan hal-abuur, hufnaan, iyo adeegsiga teknoolojiyadda casriga ah.

Jaamacaddu waxay sii waddaa maalgelinta iyo horumarinta awoodda shaqaalaheeda si ay uga faa’iideystaan fursadaha ay bixiyaan teknoolojiyadaha cusub, loona xaqiijiyo adeegyo waxbarasho oo tayo leh oo la jaanqaadaya heerarka caalamiga ah.

Tags :
Facebook
Twitter
LinkedIn
Pinterest