Jaamacadda Ummadda iyo Sapienza University of Rome oo Ka Wada Hadlay Iskaashi Dhinacyada Aerospace Engineering iyo Teknoolojiyadda Hawada Sare

Jaamacadda Ummadda iyo Sapienza University of Rome oo Ka Wada Hadlay Iskaashi Dhinacyada Aerospace Engineering iyo Teknoolojiyadda Hawada Sare

Rome, Talyaaniga – 11 May 2026:- Wafdi ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS), oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Talyaaniga, ayaa kulan istiraatiiji ah la yeeshay masuuliyiinta iyo khubarada Kulliyadda Aerospace Engineering ee Jaamacadda Sapienza University of Rome.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga tacliimeed iyo cilmi-baariseed ee u dhexeeya labada jaamacadood, iyadoo si gaar ah looga wada hadlay horumarinta cilmiga Aerospace Engineering, teknoolojiyadda hawada sare, iyo adeegsiga xogaha dayax-gacmeedyada si loogu taageero horumarka dalka.

Intii uu kulanku socday, labada dhinac waxay ka wada hadleen fursadaha iskaashi ee la xiriira:

Horumarinta barnaamijyada tacliinta iyo cilmi-baarista ee la xiriira Aerospace Engineering.

Is-weydaarsiga aqoonta iyo khibradaha u dhexeeya macallimiinta iyo cilmi-baarayaasha labada jaamacadood.

Ka faa’iideysiga xogaha dayax-gacmeedyada (Satellite Data) ee taageeri kara qorsheynta, maamulka khayraadka dabiiciga ah, iyo daraasaadka deegaanka.

Kobcinta awoodda ardayda iyo cilmi-baarayaasha Soomaaliyeed ee dhinacyada teknoolojiyadda casriga ah iyo hal-abuurka.

Wafdiga Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay in Jaamacaddu ay ka faa’iidaysato fursadaha iskaashi ee caalamiga ah si kor loogu qaado tayada waxbarashada sare, cilmi-baarista, iyo horumarinta aqoonta ku saleysan teknoolojiyadda casriga ah.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ku ballaarinayso xiriirrada ay la leedahay jaamacadaha iyo xarumaha cilmi-baarista ee caalamiga ah, si loo xoojiyo awoodda aqooneed ee dalka loona abuuro fursado cusub oo waxbarasho iyo cilmi-baariseed oo ay ka faa’iideystaan ardayda iyo aqoonyahannada Soomaaliyeed.

Tags :
Facebook
Twitter
LinkedIn
Pinterest