Muqdisho, 18 May 2026:- Kulliyadda Culuumta Bulshada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS), gaar ahaan Qaybta Warbaahinta, ayaa qabatay tababar qayb ka ah Barnaamijka Digital for Development (D4D), kaas oo loo diyaariyey ardayda dhigata saxaafadda.
Tababarka waxaa si rasmi ah u daah-furay Ku-simaha Hormuudka Kulliyadda Culuumta Bulshada, Prof. Cumar Maxamed Cabdi, waxaana munaasabadda goob joog ka ahaa Madaxa Qaybta Warbaahinta ee kulliyadda, Ustaad Xasan Sheekh Cumar, Madaxa Xiriirka iyo Maamulka Mareegyada ee Xafiiska Guddoomiyaha, Mr. Maxamed Sudi, iyo Madaxa Digital Lab-ka kulliyadda, Ustaad Kowther Cabdiraxmaan.
Mas’uuliyiintii ka hadlay furitaanka tababarka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in ardayda saxaafaddu helaan tababaro iyo xirfado la jaanqaadaya horumarka degdegga ah ee tiknoolajiyadda iyo warbaahinta casriga ah, si ay ugu diyaar garoobaan suuqa shaqada iyo baahiyaha warbaahinta maanta.
Tababarka ayaa diiradda lagu saaray soo saarista barnaamijyada raadiyaha iyadoo la adeegsanayo hababka casriga ah, waxaana ardayda lagu barayay farsamooyinka diyaarinta, duubista, tafatirka, iyo soo gudbinta barnaamijyo tayo leh oo waafaqsan heerarka xirfadeed ee saxaafadda.
Waxaa tababarka bixinayay Cabdicasiis Maxamed Diiriye, oo ah khabiir saxaafadeed leh khibrad dheer oo dhinaca soo saarista iyo maamulka barnaamijyada raadiyaha ah. Khabiirku wuxuu ardayda la wadaagay aqoon iyo waayo-aragnimo ku saabsan hababka ugu wanaagsan ee loo diyaariyo loona soo saaro barnaamijyo soo jiidasho leh oo tayo sare leh.
Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee lagu horumarinayo tayada waxbarashada saxaafadda, kor loogu qaadayo xirfadaha dhijitaalka ah ee ardayda, isla markaana lagu diyaarinayo jiil aqoonyahanno iyo wariyeyaal Soomaaliyeed oo leh xirfado casri ah oo la jaanqaadaya isbeddellada warbaahinta caalamiga ah.






