Muqdisho, Soomaaliya :- Madasha Ummadda ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo diiradda lagu saaray arrimaha tahriibka, caqabadaha horyaalla dhalinyarada Soomaaliyeed iyo sidii loo xoojin lahaa doorkooda horumarinta bulshada iyo dhismaha mustaqbalka dalka.
Madasha waxaa ka qaybgalay masuuliyiin dowladeed, aqoonyahanno, culimo, khubaro amni, cilmi-baarayaal iyo dhalinyaro, kuwaas oo wadaagay aragtiyo iyo waayo-aragnimo ku saabsan sababaha tahriibka iyo xalalka lagu yarayn karo.
Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyey madasha, isagoo carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo iskaashi qaran oo lagu wajahayo caqabadaha haysta dhalinyarada, gaar ahaan tahriibka. Waxa uu tilmaamay in aqoonta, cilmi-baarista iyo wada-tashiga bulshada ay yihiin furayaasha lagu gaari karo xalal waara, isla markaana Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay inay hormuud ka noqoto dadaalladaas.
Axmed Xasan Yuusuf, Agaasimaha Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay in dhalinyarada loo abuuro fursado waxbarasho, shaqo iyo horumarineed si looga hortago tahriibka iyo shaqo la’aanta.
Dhankiisa, Cabdirisaaq Warsame, Guddoomiye Ku-xigeenka Bangiga IBS, ayaa iftiimiyey fursadaha dhaqaale iyo khayraadka dalka, isagoo ku boorriyey dhalinyarada inay ka faa’iidaystaan fursadaha ka jira gudaha Soomaaliya.
Sidoo kale, Dr. Axmednuur Maxamed Cabdi (Uleex), La-taliyaha Sare ee Siyaasadda ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ka hadlay khatarta “Tahriibinta” iyo sida dhalinyarada loogu marin habaabiyo ballanqaadyo been abuur ah, isagoo ku baaqay in la xoojiyo wacyigelinta iyo la dagaallanka shabakadaha ka ganacsada rajada dhalinyarada.
Sidoo kale Sheekh Cabdul Xayi ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in dhalinyarada lagu hago aqoon, wacyigelin iyo yididiilo wanaagsan si looga badbaadiyo halisaha iyo dhibaatooyinka ka dhasha tahriibka.
Madasha Ummadda ayaaku baaqday in dowladda, hay’adaha waxbarashada, culimada, waalidiinta iyo bulshada inteeda kale ay si wadajir ah uga shaqeeyaan abuurista fursado iyo rajooyin dhab ah oo dhalinyarada Soomaaliyeed ku dhiirrigeliya inay ka qayb qaataan horumarka dalkooda.







