Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxay bixinaysaa Deeq waxbarasho oo heerka labaad ah, Taqasuska “Physiotherapy”. Fursadaan waxbarasho ayaa si gaar ah loogu talagalay 15 arday oo heysta shahaadada Kalkaalisnimada (Bachelor of Nursing) iyo khibrad shaqo ugu yaraan 3 sano.
Ardayda ku guuleysta barnaamijkaan waxay helayaan fursad ay ku tagaan Jaamacadda UniCamillus ee dalka Talyaaniga si ay u helaan tababar dheeri ah.
Dokumentiyada loo baahan yahay si aad u codsato:
- Shahaadada Jaamacadda oo ka Tasdiiqsan Wasaaradda Waxbrashada Hidaha iyo Tacliinta Sare
- Warqad codsi ah
- Taariikh nololeedka (CV) ee codsadaha
- Kaarka aqoonsiga dhalashada, passport, ama warqadda dhalashada iyo sugnaanta
Fadlan keen dukumentiyadaada Xafiiska Diiwanka ee Kulliyadda Taqasuska iyo Cilmi-baarista Jaamacada, Xarunta Shabelle, Xamar Weyne,ugu dambeyn 30-ka Janaayo, 2025
Wixii faahfaahin booqo xafiiska kulliyadda ama la xiriir Email-ka: gsr@snu.edu.so.