Muqdisho, Soomaaliya – 16 April 2026: Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS), Prof. Maxaayaa, ayaa shir guddoomiyay kullanka wadajirka ah ee maamulka sare ee Jaamacadda, kaas oo diiradda lagu saaray soo bandhigista waxqabadka Guddiga Diyaarinta iyo Qaabeynta Wajiga Koowaad ee Qorshaha Horumarinta Jaamacadda.
Kullankan muhiimka ah ayaa waxaa si rasmi ah u hoggaaminayay Raktarka Jaamacadda, waxaana goob-joog ka ahaa Raktar-xigeennada Jaamacadda, hormuudyada kulliyadaha, agaasimayaasha waaxyaha kala duwan, iyo xubnaha guddiga diyaariyay warbixinta oo muddo ku howlanaa qorsheynta iyo qaabeynta jihada cusub ee Jaamacadda.
Intii uu socday kulanka, Guddiga ayaa si faahfaahsan u soo bandhigay warbixintooda, taas oo ka tarjumeysa dadaalladii ay geliyeen dejinta istaraatiijiyadda horumarineed ee Jaamacadda, iyadoo diiradda la saarayay qorshe istiraatiiji ah oo shan sano ah oo hagaya horumarka JUS.
Warbixinta guddiga ayaa xambaarsaneyd qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:
- Qaab-dhismeedka maamulka Jaamacadda
- Siyaasadaha iyo qawaaniinta hagaya howlaha Jaamacadda
- Habraacyada shaqo (SOPs) iyo qaababka fulinta
- Heerka diyaarsanaanta dijitaalka ah ee Jaamacadda
- Nidaamyada cabbiraadda waxqabadka iyo horumarka
Sidoo kale, kulanka ayaa ahaa munaasabad rasmi ah oo lagu qabtay wareejinta iyo soo bandhigista waxqabadkii Guddiga Diyaarinta & Qaabeynta Wajiga 1aad ee Horumarinta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, Raktarka Jaamacadda ayaa ku ammaanay guddiga shaqada baaxadda leh ee ay qabteen, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay hirgelinta qorshahan si loo gaaro horumar waara oo dhinacyada tacliinta, maamulka, iyo adeegyada Jaamacadda.






