Rektar Ku-xigeenka Tacliinta oo Kulan La Qaatay Hormuudyada Kulliyadaha iyo Agaasimayaasha Waaxyaha Tacliinta

Rektar Ku-xigeenka Tacliinta oo Kulan La Qaatay Hormuudyada Kulliyadaha iyo Agaasimayaasha Waaxyaha Tacliinta

Muqdisho, 6 May 2026 :- Rektar Ku-xigeenka Tacliinta ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Cabdirasaaq Cabdullaahi Xaashi, ayaa maanta kulan is xogwaraysi iyo wada-tashi ah la yeeshay hormuudyada kulliyadaha iyo agaasimayaasha waaxyaha tacliinta ee Jaamacadda.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee tacliinta Jaamacadda, horumarinta adeegyada waxbarashada, iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Xafiiska Tacliinta iyo qaybaha kala duwan ee Jaamacadda. Intii uu kulanku socday, waxaa la dhageystay warbixinno ku saabsan hawlaha tacliimeed ee socda, iyadoo sidoo kale laga dooday caqabadaha jira iyo sidii si wadajir ah loogu heli lahaa xalal waara.

Prof. Cabdirasaaq Cabdullaahi Xaashi ayaa carrabka ku adkeeyay in adeegyada Xafiiska Tacliintu ay noqon doonaan kuwo fududeynaya hawlaha kulliyadaha iyo waaxyaha kala duwan, isla markaana ku dhisan wada-tashi, iskaashi, hufnaan shaqo, iyo adeeg tayo leh oo kor u qaada waxqabadka tacliimeed ee Jaamacadda.

Rektar Ku-xigeenka Tacliinta ayaa kulanka kaddib, booqasho ku tagay qaar ka mid ah kulliyadaha Jaamacadda, halkaas oo uu kula kulmay xubno ka tirsan maamulka, bareyaasha, iyo ardayda. Booqashadan ayaa ujeeddadeedu ahayd inuu si dhow ugu kuurgalo habsami u socodka hawlaha waxbarashada iyo adeegyada tacliimeed ee Jaamacadda.

Kulamadan iyo booqashooyinkan ayaa qeyb ka ah dadaallada maamulka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay ku xoojinayaan tayada waxbarashada, wada-shaqeynta gudaha, iyo horumarinta adeegyada tacliinta sare ee dalka.

Tags :
Facebook
Twitter
LinkedIn
Pinterest