WARGELIN
Waqtiga Diiwaangalinta
Dhammaan ardayda rabto inay ku soo biiraan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed sannad tacliimeedka 2020-2021, waxaa la ogaysiinayaa in qabashada codsiyada ay ku egtahay maalinta Talaadada 29/09/2020, 14:30 waqtiga Muqdisho.
U diyaargarowga Imtixaanka
Taariikhdu markey tahay Sabti, 03/10/2020, ardayda Is diiwaangelisay waxay soo booqan doonaan goobta ay imtixaanka ku galayaan iyada oo arday kasta fariin qoraal loogu soo diri doono Xaruunta iyo Fasalka uu ku qoranyahay.
Imtixaanka
Imtixaan Soo gelida Jaamacadda sanad dugsiyeedka 2020-2021, waxaa la qaadi doonaa Axad, 04/10/2020, 7:00 Subaxnimo.
- Ardayda Sanadkan u fadhiisatay Imtixaanka Shahaadiga waxaa looga baahan yahay in ay la yimaadaan kaarka ay ku galeen Imtixaanka qaranka ee wasaaradda waxbarashada, hiddaha Iyo tacliinta sare.
- Ardayda dugsiyada sare ka qalin jabisay wixiii ka horeeyay sanad dugsiyeedka 2019-2020, waxaa looga baahan yahay in ay la yimaadaan shahaado dugsi sare oo leh tasdiiqa wasaaradda waxbarashada, hiddaha Iyo tacliinta sare.
- Ardayda haysta shahaado dugsi sare ee dibadda waa in ay lahaataa tasdiiqa asaaradda waxbarashada , wasaaradda arimaha dibadda ee dalka uu wax kusoo bartay iyo safaaradda soomaaliya ee waddankaas.
Kulliyaddaha Jaamacadda Ummadda iyo Shuruudaha la iskarabo halkaan ka eeg
Sidee loogu Biiraa Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed
Xafiiska Diiwaaniyah Guud wuxuu ku yaalaa dugsigii farsamada ee KM4 oo ku dhow dugsiga 21 oktoobar.
Xafiiska Diiwaaniyaha Guud
Email: diiwaan@snu.edu.so