Muqdisho, Axad, 18 Agoosto, 2024 – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ahna Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, ayaa guddoomiyay kulanka Guddiga Sare, oo maanta lagu qabtay Xarunta Jamaacadda ee KM4, Muqdisho.
Guddiga Sare ee Jaamacadda, oo ah awoodda marjac ahaan ugu sarreeysa maamulka Jaamacadda Ummadda, ayaa waxaa Guddoomiye Kuxigeen ka ah Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda; halka ay xubno ka yihiin Wasiirada Wasaaradaha: Maaliyadda; Cadaaladda & Arrimaha Dastuurka; Qorsheynta, Maalgashiga iyo Dhaqaalaha; Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada; Beeraha iyo Waraabka; Ganacsiga iyo Warshadaha; Dhalinyarada iyo Ciyaaraha; Deegaanka iyo Isbaddelka Cimilada; Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah; Hawlaha Guud iyo Dib’udhiska; Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha; Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska; Shaqada iyo Arrimaha Bulshada; Macdanta iyo Batroolka; Awqaafta iyo Arrimaha Diinta; Xannaanada Xoolaha; iyo Isgaarsiinta iyo Tiknooljiyadda.
Wasiir Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa sheegay in ujeeddada kulanku yahay qiimeeynta iyo horumarinta Jaamacadda Ummadda iyo sidoo kale jaangooynta arrimaha masiiriga ah ee jaamacadda. Wasiirka ayaa tilmaamay in jaamacaddu u taagan tahay xoojinta ummadnimadda Soomaaliyeed, isaga oo xusay in muddadii 10ka sanno ahayd, ee ka soo wareegtay markii Jaamacadda dib loo yagleelay, ay xaqiijisay horumar la taaban karo.
Wasiirka ayaa yiri “waxa aan rabnaa inaan xoojinno xirriirka ka dhexeeya Jaamacadda iyo hey’adaha Dowladda. Jaamacadda waxaa hadda si bilaasha ah ay wax ku bartaa arday kor u dhaafaysa (10,000) oo arday, oo ka kala yimid dhammaan gobollada dalka, waxaana adeeggaa ballaaran uu ku taagan tahay miisaaniyadda canshuur-bixiyaha Soomaaliyeed, ee lagu maalgeliyo adeegga waxqabadka jaamacadda.
Kulanka maanta ayaa lagu soo bandhigay warbixinno faahfaahsan iyo muuqaallo ka hadlaya sooyaalka waxqabad ee Jaamacadda, muddada 10ka sanno ee ay jirtay 2014 – 2024, iyo qorshayaasha kala duwan ee hortebinta u leh.
Ugu danbeeyntii, qaar ka mid ah xubnaha Guddiga Sare, ahna Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, ayaa ku ammaanay Madaxda Wasaaradda Waxbarashada iyo Maamulka Jaamacadda sida ay ugu heellan yihiin tayeynta iyo ballaarinta adeegga tacliinta sare ee Jaamacadda Ummadda, iyaga oo sidoo kale bogaadiyey horumarka ay Jaamacaddu ku tallaabsatay, iyo qorshayaasha istaraatijiyadeed ee u yaalla.
Dhammaan Wasiiradu waxa ay ballanqaadeen in ay garab-istaagayaan dadaalada lagu horumarinayo Jaamacadda Ummadda si ay u noqoto hay’ad tacliin sare oo hormuud ka noqota bixinta waxbarasho, aqoon iyo xirfad dhista karaanka dadka Soomaaliyeed, una jawaabta baahiyaha taagan.
Dhammaad