Muqdisho, 2 May 2026:- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, oo uu weheliyo Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay mashruuca dib-u-dhiska iyo casriyeynta Xarunta Gaheyr ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.
Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda, maamulka Jaamacadda, iyo marti sharaf kale, iyadoo mashruucan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo tayada iyo kaabayaasha tacliinta sare ee dalka.
Khudbad uu halkaasi ka jeediyay, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo baneeyo dhulka Jaamacadda, isaga oo ka digay isticmaalka dukumentiyo been-abuur ah oo lagu sheeganayo lahaanshaha dhulka. Wasiirku wuxuu caddeeyay in mashruuca dib-u-dhiska iyo horumarinta xaruntu uu si rasmi ah u billowday.
Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, ayaa sheegay in Xarunta Gaheyr ay tahay xarunta ugu weyn ee Jaamacadda, isla markaana ay hoy u tahay lix kulliyadood oo muhiim ah. Wuxuu xusay in mashruuca cusub uu diiradda saarayo dhismaha derbiga xarunta, xarun cusub oo maamulka Jaamacadda (Rectorship), iyo horumarinta adeegyada waxbarashada, oo ay ka mid yihiin dhismayaasha kulliyadaha, shaybaarrada casriga ah iyo adeegyada ardayda.
Mashruucan ayaa la filayaa inuu door weyn ka qaato kor u qaadidda deegaanka waxbarasho ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, isla markaana xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo tacliinta sare iyo kobcinta fursadaha waxbarasho ee jiilka Soomaaliyeed.






