Jaamacadda Ummadda oo Ka Qayb Gashay Shirka Gabagabada Mashruuca Wagon2Africa ee Dalka Talyaaniga

Jaamacadda Ummadda oo Ka Qayb Gashay Shirka Gabagabada Mashruuca Wagon2Africa ee Dalka Talyaaniga

Palermo, Talyaaniga – 7 May 2026:- Rektarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) iyo wafdi sare oo ka socday Jaamacadda ayaa ka qayb galay munaasabadda gabagabada mashruuca caalamiga ah ee Wagon2Africa, taas oo lagu qabtay magaalada Palermo ee dalka Talyaaniga.

Shirkan, oo ay soo qabanqaabisay Jaamacadda Palermo (UNIPA), ayaa diiradda lagu saaray horumarinta waxbarashada loo dhan yahay, adeegsiga teknoolojiyadda waxbarashada, kor u qaadidda ka qaybgalka bulshada, iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya jaamacadaha Afrika iyo Yurub.

Mashruuca Wagon2Africa wuxuu ujeedkiisu yahay taageeridda iyo horumarinta:

Waxbarashada loo dhan yahay (Inclusive Education)

Adeegsiga teknoolojiyadda waxbarashada

Kobcinta karaanka dhalinyarada iyo bulshada guud ahaan

Xoojinta iskaashiga jaamacadaha Afrika iyo Yurub

Horumarinta xirfadaha casriga ah iyo hal-abuurka

Intii uu shirku socday, Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa soo bandhigtay aragti iyo waayo-aragnimo ku saabsan dhisidda nidaam waxbarasho dijitaal ah oo taageera tayada waxbarashada iyo ka qaybgalka bulshada ee Soomaaliya. Bandhigga Jaamacadda ayaa si weyn loogu ammaanay aragtidiisa horumarineed iyo dadaallada joogtada ah ee lagu casriyeynayo waxbarashada sare ee dalka.

Sidoo kale, sagaal (9) arday oo ka tirsan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, kuwaas oo waxbarashadooda sare ka sii wata Jaamacadda Palermo (UNIPA), ayaa shirka ku soo bandhigay cilmi-baarisyo iyo daraasado aqooneed oo soo jiitay indhaha ka qaybgalayaasha, isla markaana si weyn loogu bogaadiyay tayada iyo heerka aqooneed ee ay muujiyeen.

Tags :
Facebook
Twitter
LinkedIn
Pinterest