MUQDISHO, Maarso 09, 2024: Munaasabadda qalinjabinta dufcadda 22-aad ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa ka qay galay mas`uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Madaxwaynaha dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiirka wasaaradda Waxbarashada HTS, Xildhibaano, iyo Mas`uuliyiin kale.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay munaasabada ayaa ka hadlay dadaalkii dowladda soomaaliyeed u gashay dib u furidda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo dib loo hirgaliyay sanadkii 2014 ayaa sheegay in dowladdu ay xoogga saarayso hormarinta iyo kor u qaadida waxbarashada dalka.
“Waxbarashada dalkeennu waxa ay soo martay duruufo kala duwan, waxaana maanta joognaa in intaan oo arday ah ay ka qalinjabiyaan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, taas oo daliil u ah in haddii la wada dadaalo oo gacmaha la is-qabsado aynu gaari karno natiijo tan ka sii weyn. Waa in muwaadiniintu si hufan bixiyaan canshuuraha qaranku ku leeyahay”.
Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Prof. Xasan Cusmaan Gacal, ayaa hambalyo iyo bogaadin ka dib waxa uu sharaxaad ka bixiyay tirada qalin jebiyayasha iyo iyo takhasusyada kala duwan oo ay dhamaysteen
“Ardayda maanta xafladaan qiimaha badan in aan la dabaaldagno u taaganahay waxa ay ka kala baxeen kulliyadaha Injineeriyada, Culuumta Bulshada, Shareecada & Daraasaadka Islaamka, Beeraha & Cilmiga Deegaanka, Culuumta Caafimaadka, Qaanuunka iyo Kulliyadda Takhasusaadka sare( School of Postgraduate), oo tiradoodu dhantahay 1535 Arday, oo kala ah 1088 Lab(Male) ah iyo 447 Dhadig(Female) ah. Waxaan ku faraxsanahay in aad guul kusoo dhamayseen geeddi-gii waxbarasho ee aad soo waddeen muddada dheer, unasoo marten, marxalado kala duwan oo waayahooda nololeed lahaa” ayuu yiri Prof Gacal.
Gabagabadii Munaasabada ayaa Shahaadooyin waxa ay la gudoonsiiyay Qalinjebiyayaasha Jaamacadda ee kaalmaha hore ka gaay fasaladooda. Iyada oo ay shahaadoyinka gudoonsiiyeen Ardayda Madaxwaynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya iyo Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare.