Master of Arts (MA) in Political Science / International Relations & Diplomacy

Master of Arts (MA) in Political Science / International Relations & Diplomacy

Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Kulliyadda Takhasuska Iyo Cilmi Baarsita

Qaybta Cilmiga Siyaasadda

 Kulliyadda Takhasuska iyo Cilmi baarista ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) waxey ogaysiinaysaa dhammaan bahda waxbarashada in Sanad-Tacliimeedka 2022/2023 ay so kordhisay takhasusaat sare (Master Degree oo kala ah:

  1. Shahaadada Heer Labaad ee Cilmiga Siyaasadda (Master of Arts (MA) in Political Science)
  2. Shahaadada Heer Labaad ee Xiriirka Caalamiga (Master of Arts (MA) in International Relations & Diplomacy).

Muddada Shahaadada lagu qaadanayo waa laba sano (24 months).

Shuruudaha looga baahan yahay codsadaha:

  • Waa Inuu haystaa shahaadada heerka 1`aad (Bachelor) oo ay bixisay Jaamacad la agoonsan yahay.
  • Waa in ay tahay shahaadadiisa heerka 1’aad (Bachelor) Political Science, International Relations, Public Adminstration, Law, Economics, Geography, Sociology, Media Studies ama Dibloomada sare ee Cimliga Siyaasada ee “JUS”
  • Ardayga waa inuu soo tasdiiqiyaa shahaadadiisa :-
  • Shahaadada jaamacadaha dalka waa inuu ka tasdiiqiyaa wasaarada waxbarashada ee
  • Shahaadada jaamacadaha Dibadda waa inuu ka tasdiiqiyaa wasaarada Arimaha  Dibadda ee dalkaas.
  • In darajada u ku haysto shahaadadiisa aysan ka yaraan heerka «fiican» (Good).
  • Waa inuu ka gudbaa Imtixaanka soo galidda ee Kulliyadda Takhasuska ee JUS.

FG: Araaji qabashadu waxey ku egtahay 15 September 2022.

Wixii Faafaahin dheeraad ah:

Kulliyadda Culuumta Bulshada, Xarunta Km 4

Jaamacaddaa Ummadda Soomaaliyeed

E-mail: pgdps@snu.edu.so

Tags :
Facebook
Twitter
LinkedIn
Pinterest

Leave a Reply