OGEYSIIS: Baridda Luqadda Talyaaniga

OGEYSIIS: Baridda Luqadda Talyaaniga

Jaamacada Ummadda Somaaliyeed (JUS), waxay ogaysiinaysaa dhammaan ardayda JUS, in bisha September 2021 la bilaaabi doono duruusta barashada af-Talyaaniga.

Koorsooyinku waxay u furan yihiin in ay  ka soo qayb gali karaan dhammaan shaqaalaha iyo ardayda kulliyadaha JUS. Duruustana waxaa lagu qaban doonaa Xarunta Shabelle.

Wixii macluumaad dheeri ah waxaa laga heli karaa wakhtiga is-diiwaangelinta, tasoo hadda ka billaabantay xarunta Shabelle.

Ku soo dhawow barashada  afka Talyaaniga.

Tags :
Facebook
Twitter
LinkedIn
Pinterest

Leave a Reply