Raktarka JUS ayaa booqasho ugu tagay ardayda qaybta ka ah Ololaha la tacaalida COVID -19

Ardayda Kulliyada Caafimaadka ayaa qayb ka ah shaqooyinka ka socda xarunta adeega degdega ah ee Covid19 Iyaga oo ka jawaabaya Taleefanka Gaaban 449.

Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed JUS, Dr Maxamed Axmed Jimcaale iyo Hurmuudka Kulliyada Caafimaadka ayaa kormeer dhiirigelin ah ugu tagay ardayda  qaybta ka ah hawlaha wacyigalinta iyo ka jawaabida Taleefanka 449. Dhaqaatiirta Jaamacadda Ummadda iyo ardadydadaba ayaa qayb ka ah ololaha la tacaalida caabuqa dunida faraha badan ku haya ee COVID -19.

Leave a Reply

%d bloggers like this: