Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo shir gudoomiyay shirka bilaha ee Golaha Tacliinta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Shirka bilaha Golaha tacliinta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, oo lagu qabtay hoolka shirarka xafiiska Raktarka ayaa waxaa shir gudoomiyay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir. Shirka ayaa waxaa goob joog ahaa Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Prof. Xasan Cismaan Gacal Gudoomiye ku xigeenada Prof. Aadan Guuled Shabeel iyo Prof. Cabdullahi Sheikh Rashid…

Raktarka Jaamacadd oo kulan la qaatay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Golaha Waxbarashada Qaranka ee dalka Finland.

Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Barfasoor Xasan Cismaan Gacal ayaa soo gabagabeeyey booqasho muhiim ah oo uu ku tagay dalka Finland, taas oo qayb ka ah xoojinta sare u qaadista iskaashiga dhanka waxbarashada ee labada dal. Prof. Gacal oo ay wehliyaan hormuudka kulliyadda culuumta bulshada Prof. Cabdulqaadir Maxamed Dhicisow iyo Dr. Mulki Cilmi Rooble iyo xubno…

Raktarka Jaamacadda iyo safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya oo ka wada hadlay wada shaqeynta hey’adaha waxbarashada

Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Prof. Xasan Cismaan Gagal, ayaa xarunta Km4 ee Jaamacadda ku qaabilay Safiirka Talyaaniga, H.E. Pier Mario Dacò Coppi, oo ay weheliyaan madaxa AICS, Mr Giovanni Grandi, iyo ku xigeenka AICS, Mrs Valeria Buoninfante. Kulanka oo ay sidoo kale goob joog ka ahaayeen Raktar ku xigeenada Maamulka, Waxbarashada iyo xubno kale Jaamacadda…

Guddoomiyaha Jaamacadda oo la kulmay Guddoomiyaha Jaamacadda IIUI.

Raktarka Jaamacadda Ummadda oo la kulmay Guddoomiyaha Jaamacadda IIUI.

Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Hassan Osman Ga`al oo uu wehliyo H.E. Shirwac Cabdullaahi Ibraahim, Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Xasan, Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir ee Soomaaliya, ayaa kula kulmay xafiiska, Dr. Hathal Homoud Alotaibi, Gudoomiyaha Jaamacadda Caalamiga ah ee Islaamka, Islamabad (IIUI). Intii uu socday kulanka ayaa waxaa looga wada…

Raktarka Jaamacadda Ummadda oo Gudoomiyay Shirka Agaasimayaasha Maamulka

MUQDISHU, Somalia 14/11/2023 – Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Prof. Hassan Osman Ga`al, ayaa shir-gudoomiyay shirka Agaasimayaasha maamulka Jaamacadda. Kulanka oo ay sidoo kale goobjoog ka ahaayeen raktar xigeenada iyo agaasimayaasha xafiisyada kala duwan ee Jaamacadda. Shirka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardar gelin lahaa fulinta iyo hirgelinta qorshayaasha Jaamacadda. Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Prof.…

Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo Warbixin ka dhagaystay Naadiga Ardayda Jaamacadda.

Muqdisho, Soomaaliya – Noofambar 14, 2023: Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Hassan Osman Ga`al, ayaa maanta warbixin ka dhageystay Naadiga Ardayda Jaamacadda. Warbixinta oo ay soo jeediyeen Gudoonka naadiga iyo xubnahiisa ayaa lagu soo bandhigay waxqabadkii Naadiga ardayda, Caqabadaha, iyo waxyaabaha ay u baahan yehiin. Raktarka ayaa ardayda bogaadiyay isaga oo carabka ku adkeeyay in…

Natiijada Imtixaanka Aqbalaada Jaamacadda Sanad tacliimeedka 2023-2024

Hambalyo ardayda ku guulaysatay imtixaankii aqbalaada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, sanad waxbarashadeedka 2023-2024! Waad dadaasheen, ku soo dhawaada Jaamacadiina. Si aad natiijadaada u hesho, fadlan booqo linkiga soo socda: https://ummadda.jaamacadda.net/ Tirada Guud ee Sanadkaan Jaamacadda Ummadda ay qaadatay ayaa ah 3485 arday oo ah kuwii ku gudbay imtixaanka eeg shaxda hoose Xarunta Dhexe NO Magaca Kulliyadda…

Raktar Xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Jaamacadda oo daah furay imtixaanka aqbalaada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Muqdisho:- Raktar Xigeenka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Cabdullaahi Sh. Rashiid (Maki) ayaan manta daah furay Imtixaanka Aqbalaada oo ka dhacay xarumaha Jaamacadda ee Banaadir, Galmudug iyo Puntland. Imtixaanka waxaa u fariisatay 3731 arday. Imtixaanka ayaa loogu talagalay in lagu ogaado heerka aqooneed ee ardayda iyadoo ardayda kusoo baxda xaq u yeelan doonaan gelitaanka Jaamacadda.…

Kulliyadda Shareecada iyo Daraasaatka Islaamka Jaamacadda Ummadda oo Xaflad u Qabatay Arday Baratay Cilmiga dhaxalka

Arday muddo dheer soo baranaysay cilmiga dhaxalka iyo sarfiga ayaa maanta Ijaazo iyo Shahaado lagu guddoonsiiyay Kulliyadda Shareecada iyo Darasaatka Islaamka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Ardayda oo ka kooban 53 arday oo 33 kamid ah gabdho yihiin halka 20 ka kale ay wiilal yihiin ayaa waxaa Ijaazada guddoonsiiyay Dr. C/shakuur Macallin Cabdi Faarax oo muddo dheer…